Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-shabab oo lagu eedeyey weerar ka dhacay Kenya

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 10-qof ay ku dhawaacmeen weerar bam oo lagu weeraray maqaahi lagu caweeyo oo ku taala duleedka magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxana adeegsada maqaaxidaasi dadka ajaanibta ah ee dalxiiska u taga magaala Xeebedka Mombasa.

Weerarka ayaa dhacay saaacadihii ugu horeeyay maanta oo khamiis ah,degaanka uu ka dhacay ayaa lagu magacaba Diyaani oo fogaan 25-km u jirta Mombasa.

Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu u egyahay qaraxyo halka ka dhacay sanadihii 2012-ki iyo 2013 oo dusha looga tuuray masuuliyadeeda koox islaamiyin ka dagalanta Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Degaanka Kawali Jack Jack Ekakuro, ayaa saxafiyiinta u sheegay in 3-qof ay weerarka ku qaaden maqaaxidasi halkana ay mootada nooca dhug dhugleeyda ay uga baxsaden.

Taliyaha ayaa tilmaamay in weerarkasi uu ahaa mid argagexiso ah ayna ka danbeeyaan Xarakada Al-shabab.

Tan iyo markii ay ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya Al-shabab waxa ay wadankaasi ku kordhiyen weerarada lagu carqaladeenayo amaanka dalka Kenya.

You must be logged in to post a comment Login