Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Alshabaab iyo Daacish oo uu ka dhex jiro khilaaf xooggan iyo Daacish oo fariin digniin ah soo saartay

Brand Viagra online, cheap zithromax buy Cialis Super Active, cheap Zoloft. .

War Qoraal ah oo kasoo baxay Ururka Daacish, Islamarkaana lagu baahiyay laba bar oo dhinaca Internet-ka ah oo taabacsan Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee ka Aas-aasmay dhulalka Ciraaq iyo Siiriya, ayaa waxaa digniin adag lagu siiyay Ururka Alshabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya .

 

Warkan oo u muuqday mid adag ayaa waxaa Alshabaab lagu faray in ay joojiso sida ay ula tacaamulaan waxa ay Daacish ku sheegtay Xubno iyaga ka tirsan Iyo Taagreeyaashooda Soomaaliya, Alshabaab ayeey Daacish ku eedeysay in ay ka horjoogsadeen Xubno doonayay in ay Bayco la galaan Abuubakar Albaqdaadi oo ah hogaamiyaha guud ee Daacish.

 

IS ayaa sheegtay in Hogaamiyaasha Shabaabku ay amar ku bixiyeen dilka Tobanaan isku diyaarinayay in ay Daacish ku biiraan.

 

Dhanka Kale Fariintan ISIS ay baahisay ayaa u ekeyd mid goodin ah , maadaama lagu sheegay in haddii Shabaabku ay joojin waayaan dhaqankan, Daacish ay ula Macaamili doonto sida ay ula dhaqanto Cadawgeeda.

 

Dhaqdhaqaaqa Alshabaab Oo xariir La leh Alqaacidda ayaa waxa uu horay uga biya diiday inuu ku biiro Ururka Daacish oo ay ku biireen Garabyo badan Oo Alqaacidda ka tirsanaa Islamarkaana uu ku Jiro Boko-haram .
Hadalkan kasoo baxay Daacish ayaa Imaanaya Xilli dhawaan 70 Maleeshiya ah oo Alshabaab ka goostay ay sheegeen in ay la bahoobeen Daacish , iyaga oo ku sugan Halka lagu Magcaabo Tuulo Barwaaqo oo kulaasho Xadka Wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

 

Gabagabdii Alshabaab ayaa waxa ay dhawaan ku goodisay in ay gowrici doonaan Ciddii iyada horay uga tirsaneyd ee Daacish ku biirta .

 

You must be logged in to post a comment Login