Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al shabaab oo shir jaraaid u qabtay odayaasha dhaqanka ee Jubooyinka kana codsaday ineysan ka qeybgalin shirka maamul u sameynta Jubooyinka

Kooxda AL-Shabaab ayaa shir ugu qabatay deegaanka Hargeysa Yareey ee duleedka magaalada Jilib qaar kamid ah odayaasha kusugan deegaanada ay ka taliyaan ee Jubbooyinka.
Shabaab ayaa usheegay odayaashaas inaysan marnaba ogolaan ka qeyb galka shir lagu dhisayo maamulka Jubbooyinka oo Kismaayo ka soconaya.
Sidoo kale waxaa ay odayaasha deegaanka ka dalbadeen taageero dhanka dhaqaalaha iyo nolosha ah si ay usii wadaan dagaalada ay ku difaacayaan deegaanada ay haatan kusugan yihiin.
Qaar kamid ah odayaashii ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay Shabaab la shaqeyn doonaan, waxaana ay sidoo kale odayaashu dalbadeen in shacabka dhibaatada laga daayo loona ogolaado inay usafri karan meesha ay doonaan.
Shabaab ayaa haatan qeybo yar ka jooga gobolka Jubbada Hoose, halka dagaallo ay kala kulmayaan dhanka Jubbada dhexe iyo Gedo.

You must be logged in to post a comment Login