Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al Shabaab oo war kasoo saartay qilaafadka Dowlada Soomaaliyo iyo maamulka KMG Kismaayo

Gudoomiyaha Kooxda Shabaab Xudayfa Cabdi Raxmaan ayaa usheegay raadiyaha Shabaab inay kusugan yihiin meel aan ka dheereyn Kismaayo ayna xili kasta tagi karaan gudaha magaalada.
Waxaa uu tilmaamay in hada khilaaf uu soo kala dhexgalay ciidamada kusugan Kismaayo taasna ay ufaa’idaynayso in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugalaan magaalada iyagoo ka faa’idaysanaya Khilaafkaas.
Xudayfa Cabdi Raxmaan ayaa dhanka kale sheegay in isbadal lagu sameeyay maamuladii Shabaab ee qeybo kamid ah gobollada Jubbooyinka, sidoo kale waxaa uu kahadlay arimo badan.

Qilaafadka oo ah mid ku saleysan dhanka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa waxa uu noqday mid ay isku maan dhaaf dowlada iyo maamulka Kismaayo.

ciidamada alShabaab horey ayaa waxa looga ceryay magaalada Kismaayo iyagoo hada ka faaideysana qilaafadka dowlada Iyo maamulkasi ayey doonayan in ay dulaan ku noqdaan.

You must be logged in to post a comment Login