Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Alshabaab oo weeraray ciidamo ku sugnaa isgoyska SOS ee Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa xalay weeraro ka geystay farisin ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo la sheegay in dagaal xoogan uu ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka ciidamada dowlada ay ku lahaayeen isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay waxaana dagaalka uu socday muddo saacado ah, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Alshabaab ayaa marar badan waxay weeraro kala duwan ka geysteen fariisimo ciidamo ka tirsan dowlada ay ku leeyihiin waqooyiga magaalada Muqdisho, mana jiro war kasoo baxay maamulka degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

You must be logged in to post a comment Login