Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Amarkii DFSoo ka fulay Puntland

buy Cialis Soft online, acquire zithromax Silagra online, purchase zithromax. . buy periactin online cheap, acquire dapoxetine.

Maalintii shalay waxaa aad loo hadal hayey Khaatka laga joojiyey Soomaaliya oo ilaa manta Warbaahinta Africa iyo Kuwa Caalamiga ah si aad ah uhadal hayaan.

Kenya ayaa Kumanaan Dollar Maalin walbo ka macaashi jiray Khaatka ay udaabuli jireen Soomaaliya balse Amar kasoo baxay Dawlada Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah loo joojiyey Diyaaradihii Khaatka geyn jiray Garoonka Aden Cade.

Ganacsatada Kenya ayaa aad uga walaacsan Amarka lagu Mamnuucay Khaatkii Soomaaliya tegi jiray taasi oo lacag yari ay soo food saartay maadama lacago badan ay awal beeraleyda khaatka ku xisaabtami jireen.

Shalay Muqdisho,Kismaayo,Baydhabo iyo Jowhar ayaa laga dareemay Khaat la’aanta oo dadku ay iibsanayeen kii habeen hore markii wax diyaarad ah aysan ka degin Garoonka Aden Cade Airport.

Shalay ilaa xalay waa laga faraxsanaa dhinaca Puntland oo garoonka Gaalkacyo ayaa diyaarad Khaat siday ay ka deggenee balse maanta ma jirin khaat gaaray Puntland oo idil.

Arintaan ayaa lagu Micneeyey markii Dawlada Soomaaliya ay Kenya ku Amartay in Wax diyaarad ah aysan imaan Karin Meelaha ay maamusho,taasina ay dhaqan gashay.

You must be logged in to post a comment Login