Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Amiirka Al-Shabaab oo ka bad-baaday shirqool lagu dili rabay (Xog cusub)

 War goor dhow na soo gaaray  ayaa sheegaya in Ammiirka Maleeshiyada uu ka bad-baaday isku day dil oo uu la maaganaa Ku-xigeenkiisa.

order Silfar online cheap, purchase clomid.

Horjoogaha ayaa la sheegay in gaadiid uu watay loo galay wadada, kadibna lagu huwiyay rasaas, iyadoona la sheegay in halkaasi uu uga dhintay hal kamid ahaa ilaaladiisa.

Ka badbaadida dilka Hogaamiyaha ayaa yimid kadib markii uu qabtay shir ay kuwada kulmayeen Hogaanada qaabilsan la dagaalanka Dowladda iyo AMISOM, shirkaasi oo uu ka dhashay isfahan waa.

Warkan oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, ayaa sidoo kale sheegaya in arrintan ay salka ku hayso khilaaf muddo socday oo la xiriira hogaanka Al-Shabaab, oo xubni sare aysan weli ku qanacsaneyn Axmed Diiriye in loo magacaabay.

Dilka Hogaamiyaha uu ka badbaaday ayaa waxaa maleegay sida la sheegay sarkaal lagu magacaabo Mahad Kartaay.

Arrintaani ayaa la sheegayaa inay colaad hor leh ka dhex abuurtay maleeshiyada, waxaana jira horjoogayaal kale oo Khilaafkaasi awgii uga baxay Maleeshiyada.

Geerida Axmed Godane kadib ayaa la rumeysan yahay in Maleeshiyada uu soo foodsaaray burbur baahsan, taasi oo horseed u noqotay Khilaafka ka dhashay magacaabista hogaamiyaha cusub.

You must be logged in to post a comment Login