Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Amisom & DF oo kusii siqaya Baraawe iyo AL-SHABAAB oo kala dhuumanaya

buy Suhagra, acquire lioresal. War kasoo baxay Taliska sare ee Ciiddanka AMISOM, ayaa waxaa lagu sheegay in goor dhow ay Ciidamadu duulaan ku yihiin Saldhigyada Maleeshiyada Alshabaab ee ku yaalla Degmada Baraawe.

Warka ayaa waxaa lagu sheegay in Taliska uu qorshihii ugu dambeeyey ugu jiro sidii ay Alshabaab ugala wareegi lahaayeen Deegaannadda ay weli ku xooggan yihiin Maleshiyada.

Nuqul kamid ah war qoraaleedka ayaa waxa uu u qornaa “Baraawe waxaa Alshabaab uga soo dega hubka iyo sahayda kale duulaan ayaan ku nahay waana la wareegi doonaa dhawaan”

Sidoo kale, war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Ciidamada is garabsanaaya ay maalinba maalinta xigta kusii siqayaan Deegaanka Baraawe oo Saldhig u ah Maleeshiyada Alshabaab.

Zaddok Syong’oh oo La-taliye u ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa sheegay in Ujeedka Ciidamadu uu ahaan doono hanashada Deegaanada waaweyn ee Maleeshiyada Hubka iyo Saanada Militeri uga soo daga sida Xeebaha Baraawe.

Waxa uu tilmaamay in Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM u dhaqaaqayaan sidii ay Alshabaab uga saari lahaayeen Degmooyinka Jilib, Bu’aale iyo Badhaadhe.

Afhayeenka AMISOM, Eloy Yao ayaa sheegay in Hawlgalka AMISOM ee haatan socda, looguna magac daray Hawlgalka Badweynta Hindiya in la bilaabay bilowgii bishan, lana filayo inuu socdo ilaa bisha Oktoobar.

Eloy Yao waxa uu xaqiijiyay in Taliska AMISOM looga fadhiyo sidii ay kusoo afmeeri lahaayeen Dagaalada lagula jiro Alshabaab ka hor inta aysan dhicin doorashada 2016-ka ee nagu soo began.

Eloy Yao Waxa uu xaqiijiyey inay Ciiddanka AMISOM haatan diyaar u yihiin inay u jiheystaan Deegaannadda ay Alshabaab ku sugan yihiin, gaar ahaan Deegaanadda ay cabshuuraha ka qaataan iyo Deegaanadda ay sahayda u soo maraan.

Dhanka kale, Maleeshiyada Alshabaab ayaa la Tilmaamayaa in halkaasi ay ka xir-xirteen Boorsooyinkooda, islamarkaana xili waliba ay u diyaarsan yihiin inay faarujiyaan Deegaanka Baraawe iyo kuwa ku xeen-daaban.

You must be logged in to post a comment Login