Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Amisom oo diyaarisay gawaari biyo loogu dhaamiyo dadka ku haraadsan gobollada dalka qaarkood

buy celebrex online without prescription, buy Zoloft online.
Afahayeenka ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya Col.Cali Aadan Xaamud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqidsho ayaa ugu horeyn hambalyo udiray dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay maanta ku beegantahay maalinkii loo asteeyay.

Intaa kadib afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in AMISOM ay diyaariyeen gawaari loogu talagalay in biyo lagu gaarsiiyo dadka ay biyo la’aantu kuheyso qaar kamid ah gobollada dalka gaar ahaan goobaha ugu daran ee ay dadku haraadka ugu dhimanayaan iyadoo hadalka afhayeenku uu kusoo aaday iyadoo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in dalka abaari kajirto inkastoo roobab aan badneyn ay ka da’een deegaanada qaar

Sidoo kale afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in howlgallada ciidanka dowlada iyo kuwa nabad ilaalintu ay kawadaan gobollada dalku inuu meel wanaagsan marayo islamarkaana lagu guulesytay in goobo badan laga saaro kooxaha qas wadaayasha ah si aanay usii wadin dhibaatada ay kuhayaan shacabka Soomaaliyeed’

Col.Cali Aadan ayaa intaasi ku daray in howlgallada lagu baacsanayo Argagaxisada Al-shabaab ay yihiin kuwo weli kusii siqaya goobaha ay Al-shabaab ku dhumaaleysanayaan isagoo xusay in degmada Baraawe ay ugu horeyso meelaha dhawaan laga xoreynayo kooxaha xagjirka ah ee cadaadiska xoogan kuhaya dadka shacabka ah degmadaasoo ay kaabiga kuhayaan xiligan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom,

You must be logged in to post a comment Login