Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Amisom oo kahadashay ka bixitaankii Itoobiya ee Xudur iyo dilkii Shabaab ugaysteen Wadaad caan ah

Bayaan kasoo baxay Taliska ciidamada Amisom ee kusugan Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen xaalada gobollada Bay iyo Bakool.
Taliyaha ciidamada Amisom ayaa bayaankiisa ku yiri “AMISOM waxay si dhaw ula socotaa isbedelkii u danbeeyey, kadib markii ciidamada Itoobiya ka baxeen magaalada Xuddur gobolka Bakool” waxeyna AMISOM si dhaw ay ula shaqeyn doontaa ciidamada Dowladda Federaaliga ah ee Soomaaliya, dedaalka ay wadaan si loo sugo amniga goboladaas”.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta ee AMISOM General Gutti ayaa yiri:
“Waxaan si adag u canbaareyneynaa gawricii loo geystey mid ka mid ah culimada Xuddur, kaas oo kooxda al-Qaacida u shaqeysa ee al-Shabaab ay fuliyeen, waxaan la shaqeyneynaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amniga, loona soo celiyo, dhulka ka baxay gacanta Dowladda”.
General Gutti ayaa hadalkiisa ayaa yiri “Waxaan qaadaney go’aan aan ku damaanad qadayno in wax laga qabto gobolada Baay & Bakool, taas oo lala wadaagayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, si xasiloonida iyo Amniga goboladaasi ay yiiin kuwo sugan, muddada ciidamada Itoobiyaanku baxayaan, waxaan wadnaa dib u eegid in Ciidamada AMISOM loo daabulo Goboladaas iyo weliba gobolka Hiiraan, anaga oo ku kalsoon in aan buuxin karno baahida jirta”
AMISOM ayaa ugu danbeyntii baaq u dirtey dhamaan Malayshiyaadka kooxaha ee hubeysan waxaana laga codsadey in ay hubka dhigaan, kuna wareejiyaan ciidanka Dowladda iyo AMISOM, kuwa sidaas sameeya waxaa loola dhaqmayaa si wanaagsan oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa culeys ku noqdey ciidamada AMISOM iyo Dowladda waxaana si aan laga tashan uga soo baxeen magaalada Xuddur, halkaas oo isla markiiba ay qabsadeen Xarakada al-Shabaab ee Dowladda ka soo horjeeda.
Itoobiya ayaa sheegtey in Midowga Africa ay horey ugu wargeliyeen in ciidamadooda kala soo abxayaan Soomaaliya laakiin la keeno ciidankii beddeli lahaa, taas oo aan wax jawaab ah laga siin.

You must be logged in to post a comment Login