Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

AMISOM oo qiratay Fadeexadii lagu qabtay Ciidankooda kuna Hanjabtay.

doxycycline reviews, zithromax reviews. cheap paroxetine online, buy clomid online.

buy Penegra online, buy dapoxetine online.

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shan ka mid ah askartooda lagu xiray magaalada Muqdisho maaalintii shalay, kadib markii lagu eedeeyay in ay iibinayeen qalabka ciidanka iyo sahay kale.

War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in askarta lagu soo qabtay howlgal si wadajir ah ay u sameeyeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo kuwo AMISOM, taasoo ka dambeysay baaritaano lagu sameeyay arrintan.

“AMISOM waxaa ay horey u heshay warar sheegaya in qaar ka mid ah askarta ay ku lug leeyihiin falal sharci darro ah, waxaana la sameeyay baaritaan ku saabsan arrintan oo AMISOM ay la kaashatay booliiska Soomaaliya, Baaritaankii ayaa ugu dambeyntii keenay in askarta la qabto, iyagoo gacanta kula jira iibinta shidaal iyo jawaanada ciida lagu shubo loona isticmaalo difaaca”ayaa lagu yiri War qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in aysan wax dulqaad ah u heyn kuwo u dhaqma si xirfad la’aanta oo ka tirsan askartooda dambiilayaasha ah, isla markaana ay mudanayaan ciqaab waafaqsan sharciga.

“Dhammaan ciidanka ka tirsan AMISOM waa in ay u hogaansanaadaan sharciga iyo anshaxa qofkii ka waacda hanaankaas ciqaab ayuu la kulmayaan tanna waxaa lagu dhaqangelin doonaa heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ka dhaxeeyay isla markaana lagu unkey howlgalka”ayaa mar kale lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Midowga Afrika.

“AMISOM, oo la shaqeynaysa ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay wadi doonaan baaritaanada sida oo kale ah si xididada loogu siibo arintan. Waxcaana la qaado doonaa tallaabooyinka aas aasiga ah si loo joojiyo ficilada noocaan ah”

Howlgalka Midowga Afrika ayaa waxaa ay ka badan yihiin 22,000 oo askari, kuwaasoo ka shaqeynaya soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana go’aankoodu yahay in ay hadafkaas xaqiijiyaan ma ahan in ay noqdaan kuwo daneystiyaal ah sida hadda ay sameeyeen tiro yar oo ka mid ah askarta.

You must be logged in to post a comment Login