Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ammaanka Buulo mareer iyo Kurtun waareey oo la xaqiijiyay

Maamulka Gobolka Sh. Hoose ayaa sheegay in shacabka ku nool magaalooyinka laga xoreeyay kooxda argagixisada ah ay billaabeen dib u soo nooleynta isticmaalka adeegyadi bulshada oo kooxdu ay horey u cuuryaamisay.

Guddoomiyaha Gobolka Sh. Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadkii ka barakacay magaalooyinkii dhawaan laga xoreeyay Al-shabaab ay dib ugu soo laabteen guryahoodii, kadib markii la xaqiijiyay ammaanka.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa xusay in dadku ay si xorriyad leh u ganacsanayaan, islamarkaana ay dib u xirteen Diishashka Telefishinnada, iyagoo si baqdin la’aan ah u daawada ciyaaraha Sportiga.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay inuu booqday degmada Kurtun waareey, wuxuuna tibaaxay in ammaankeedu uu hagaagsanyahay oo aysan ka jiruin wax baqdin ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in sidoo ammaanka magaalada Buulomareer uu wanaagsanyahay dadkuna ay si xorriyada ku mushaaxayaan.

hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli ay ciidanka XDS iyo AMISOM ay kulaalayaan degmada Baraawe oo la filayo ineey dhawaan la wareegaan. buy Viagra Jelly, order Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login