Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ammaanka Muqdisho soo hagaagaya & darraasad la sameeyay oo muujisay…

muqdisho-1

Muqdisho (Somalimedia Online)-Dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dareemaya in xaaladdooda amni ay kasoo rayneyso, sidaa waxaa muujinaya xog uruurin ay hey’adda OCVP ka sameysay 17-ka degmo ee Xamar bilihii Feberaayo iyo Maarso, kuna wareysatay 1,664 qof.

Agaasimaha hey’adda, Cabdiraxmaan Ceynte oo saxaafadda uga warbixiyay daraasadda uu sameeyay machadkooda ayaa sheegay Ammaanka Muqdisho in uu soo hagaagayo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Wuxuu kaloo sheegay in aysan jirin wadashaqeen u dhexeysa shacabka iyo hey’addaha ammaanka oo dadka waxaaba ay daacad u yihiin odayaasha dhaqanka kuwaasoo ay u sheegeen taladooda iyo dhibaatadooda ayuu yiri Ceynte.

Dadka ayaa soo roonaanshaha amniga sabab uga dhigay iyadoo ay dhammaadeen dagaalladii beelaha, iyo kuwii waaweynaa ee u dhaxeeyay kooxaha hubeysan iyo Dowladda Federaalka ah. Balse dadka Muqdisho waxay wali ka walaacsan yihiin xudgudubyo joogto ah oo isugu jira: qaraxyo, dilal qorsheysan iyo dhac ay kooxo hubeysan mararka qaarkood gaystaan. Waxay kaloo dadku saluugsan yihiin kartida. karaanka iyo isku xirka hey’adaha amniga. Hey’adaha garsoorka ayaa loo arkaa kuwa itaal daran oo uu musuqmaasuq ragaadiyey. Taas ayaa markaas ku khasabtay in dad badani ay miciin bidaan odayaasha dhaqanka, si ay u xalliyaan arrimaha qaar

Dadka la wareystay ayaa sheegay inay hoos u dhaceen dagaallo beeleedkii, iyo noocyadii kale ee dagaallada.

Hasayeshe waxa ay walaac ka muujinayaan weerarada ay gaysanayso kooxda Al-Shabaab, muranka ku saabsan dhulka iyo in aanay aaminsanayn garsoorka iyo hay’adaha ammaanka.

[Soo rogo warbixinta oo dhan]

Somalimedia Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Super Kamagra no rx, cheap dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login