Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ammaanka Somaliland oo la adkeeyay markii la ogaaday in Al-Shabaab……..

Sidda uu soo sheegay wariyaha somalimeida ee Hargeysa, waxaaaad loo adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee woqooyiga Soomaaliya ee labaxay Somaliland, kaddib markii la ogaaday Al-Shabaab in uu soo wajahay culeys ballaaran oo ku aadan goobaha ay ka joogaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wariyaha ayaa soo sheegay in waddooyinka la dhigay ciidamada RRU-da, kuwaasoo baaraya baabuurta ka soo gudbaya koonfurta Soomaaliya.

Waxaa la barayaa dadweynaha iyo baabuurta ka imaaneysa dhinaca kooonfuta uyo bartamaha Soomaaliya, maxaa yeelay waxaa laga war helaya Al-Shabaab in ay soo aadi karaan dhinaca Somalialnd oo ay khalkhal halkan ka geesan karaan sidda ay noo sheegeen hey’addaha ammaanka” ayuu yiri wariyaha.

Dhawaan ayaa dowladdaha Maraykanka iyo Britain waxa ay muwaadiniintooda uga digeen in ay u safraan Soomaaliya kuwa joogana waxaa loogu baaqay in ay ka soo baxaan halkaas, maadama Al-Shabaab iyo kooxo xiriir la leh Al-Qaacida ay weerarro ka geesan karaan.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay ammaanka la adkeeyay magalooyinka maamulka Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login