Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Arrin muhiim ah

SHIRQOOL ABAABULAN

Ku: DHAMAAN HAYDAHA HALKAN KU XUSAN

Ku: Somali Media Association (SOMA) Ex- Network13
Ku: National Union of Somali Journalists – NUSOJ
Ku: Ministry of Somali Information
Ku: National Intelligence and Security Agency (NISA)
Ku: International Media Support (IMS)
Ku: Foojo Media Institute
Ku: International Federation of Journalists (IFJ)
Ku: Radio Ergo
Ku: Facebook, Inc. (Social Network Company)
Ku: Dhamaan Soomaalida oo dhan

Waxaan aad uga xumahay warbixinta cadawnimada ah ee uu soo dhigay facebookga ninka lagu magacaabo Bile Jaamici oo aan filaayo inuusan ahayn magaciisa rasmiga ah, hase ahaatee uu ku gabbanayo ninkaas amaba ay cid kale u soo dhiibta oo ku qaraabaneysa. Ninkaas wuxuu waxaan ka naxay oo aan la yaabay ku soo bandhigay boggiisa in Khadra Maxamed Abey ay tahay haweeney faafineysa diinta Masiixiga, taasoo uu ula jeedo inuu ku iftiimiyo dadka wax ma garadka ah ee sida sahlan u banneysta dhiigga dadka Soomaaliyeed. Waxaan garan waayay waxa uu ula jeeday arrintaas.

Wuxuu Khadra ku sheegay in magaceedu yahay Margret, haysatana baasaboor Kenyaan ah, haatanna ay la baxday Khadra, af soomaaligana ay si fiican ugu hadasho. Iyadoo warbixintiisuba kusoo koobnayd intaas ayuu ku soo jeediyay dadka, kuna yiri: (qof walbo oo jecel diinta islaamka waa inuu faafiyaa si looga hortago madaxda dowladana waa ay ogyihiin naagtaan iyo shaqada eey qabato). Arrintan waxay leedahay khatar weyn oo ah in dhibaato loo geysto Khadra, waxaana taas mas`uuliyaddeeda qaadaya Bile Jaamici iyo inta la og arrintan. Waxaanse la yaabay dadka markiiba share gareeyay iyagoon waxba hubsan iyo meesha ay wax u socdaan, dadkaas sheergareeyay iyaguna ha ogaadeen iney ka qaybqaateen shirqoolka gabadhan loo dhigay. Qof kastoo diinta raad ku leh ee Soomaaliyeed ee sharegareeyay arrintan waxaan kula talineynyaa iney ka laabtaan, dadka kale ee uu soo gaari doonana ay ka feejignaadaadn iney ka qaybqaataan shirqoolkan uu maleeygay ninkan isku magacaabay Bile Jaamici uguna baaqay dadka iney la wadaagaan.

HADDABA KHADRA WAA TUMA?

Waa gabdh Soomaaliyeed oo ay dhaleen Hooyo Soomaaliyeed oo ay dadka badankiis wada garanayaan oo lagu magacaabo Haweeya Mire Aaden oo Soomaali ah iyo Abe Maxamed Abey oo Gana u dhashay, waxayna Khadra ku dhalatay isbitaalka Digfeer. Waxaan aqaannaa muddo ku dhow 30 sano. Waxaan madax ugu noqday oo ay igala soo shaqeysay meelo badan sida: Radio Muqdishow oo ay ka akhrin jirtay wararka iyo barnaamijyada Ingiriisiga iyo Sawaaxiliga. Waxaa kale oo ay muddo dheer igala soo shaqeysa Raadiyo Ergo oo ay maamusho hadda hay`adda caalamiga ah ee IMS oo ay ilaa hadda ay la shaqeyso. Mana jiraan waxa uu ku been-abuurtay ninkan la ogaan doono waxa ay ujeeddadiisu tahay, waxayna tani ka mid tahay dulmiga shacbiga Soomaaliyeed koox iyo keliba loogu geystay, qaarkoodna ay god ugu jiraan. Waxaa kaloo ay Khadra u soo shaqeysay:

Finance Admin, & HR at IIDA Women’s Development Organization
Worked at CARE (relief agency)
Studied at Pwani University
Went to Mazeras High

Waxaanan rumeysanahay in magacan uu yahay qof is qarinaya oo dambiile ah, maxaa yeelay waxaad akhrisaan macluumaadka ku qoran profile kiisa, dhamaan wuxuu u eg yahay mid la been-abuuray. Wuxuu u qoran yahay sidan:

Bile Jaamici
Former Washington University at Doctor Pedro P. Peña
Worked at UNAM Faculty of Medicine
Former united nations at Ngon
Worked at 国連大学 (United Nations University)
Studied at Western Washington University
Went to Amal primary and secondry school
Lives in Washington, District of Columbia
Single
From Muqdishow, Banaadir, Somalia

Ha ogaado qofkuu yahayba inaan sidaas looga hareyn oo lala tiigsan doono maxkamad kastoo suurtagal ka dhigi karta in la hor keeno. Hadduu ka mid yahay dadka farta ugu fiiqa kuwa dadka macno darrida u dila inuu mari doono kuwa sidiisa oo kale ahaa meelaha ay mareen. Waxaan intaas ku darayaa in Facebook, Inc. (Social Network Company) ay tallaabo ka qaadaan bogga ninkan leh Bile Jaamici oo xadgudubka ugu geystay Khadra Maxamed Abey, https://www.facebook.com/bile.jaamici?fref=ts, haddii kale dhibaatada uu keeno ay dusha saaran doonaan, cudur-daarna ay ka bixiyaan tallaabadan cadawtinnimada leh ee loogu geystay adeeggooda.

Khadra waa hooyo korsata 8 carruur ah leh oo 6 ka mid ahi yihiin agoon abbahood lagu dilay Muqdisho.

CODSI
Qof kastoo hela qoraalkan fadlan haddii aad tahay qof Muslim ah, Soomaali ah oo ka damqada shiqoollada iyo dulmiga ha sii faafiyo, hana gaarsiiyo dadka kale.

Faadumo Ruush, Alimusa Abdi, Salah Osman, Khadra Abey, Louise Tunbridge Ismail Sheikh Khalifa, Ismail Haji Shakeeti, Abdikarin Mohamed Abdi Gaab, Mohamed Hassan, Ahmed Hassan, A Alasow Gurey Ga’al,Mohamed Abdullahi Kooshin, Abdullahi Mursal, Abdisamad Abdulkadir,Abdisamad Abdulkadir, Abdullahi Abdirahman Alif, Shamsa Sheekh Mukhtaar, Shukri Mukhtar, Fartun Ismail, Abdulkadir OK Mohamed,Ayaanle Hussein Abdi, Yassin Wardere, Faarax M Dubbad, Abdikarim Hiil Qaran, Abdulkadir Walayo, Abdulkadir Mohamed, Abdi-Noor Mohamed,Noor Ali Farah, Sahra Abdi, Mustafa Yasin, Mustafa Haji Abdinur, Abdulahi Black, Farhan Jimale, Mohamed Aden Hersi Abdiaziz Mohamud Guled,Batula Mursal, Batula Shikh Ahmed Gabelle, Abukar Albadri, Suheyba Mohamed Badqas, Ali Mohamed Haji, Hussein Nur Haji, Abdulahi Nur Colombo, Ahmed Hagi, Abdinur Sheikh, Abdirahman Roble, Abdi Naasir Yusuf Moallim, Mohamed Ibrahim Moalimuu, Maxamuud Mascadde Female Viagra online, order lioresal. , Farah Blue, Farah Sudi, Asha Aden, Cali Cabdi Ducale, Cali Ameriko

Abdulkadir Mursal's photo.
Abdulkadir Mursal's photo.

You must be logged in to post a comment Login