Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Askar iyo Saraakiil Kenyan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Lamu.

Caverta for sale, clomid reviews. Wararka ka imaanaya xadbeenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in dagaal culus uu qabsaday kolonyo ciidamo Kenyan ah.

Ugu yaraan 4 askari oo midi ahaa sarkaal ayaa dhimatay sida ay faafisay warbaahinta dalka Kenya,sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa qiray in 2 askari looga dilay weerar kamiin ah oo ka dhacay xeebta Lamu ee xadbeenaadka ku teedsan.

“Al Shabaab ayaa wadada ugalay gaari ay wateen ciidanka Kena laba askari ayayna gudaha gaariga ku dileen iska caabin adag kadib aay xoogagii shabaab baxsadeen”ayuu yiri Samuel Obara oo ah sarkaal.

Ilo wareedyo madaxbanaan ayaa sheegaya in dhimashada gaartay ciidanka Kenya ay ka badantahay inta ay dowladda Kenya sheegatay.

Waa weerarkii 2-aad oo isbuucan gudihiisa Kenya kala kulanto shabaab ,maalin ka hor weerar dhabagal ah oo ka dhacay duleedka dhoobleey ayaa gaadiid looga gubay.

You must be logged in to post a comment Login