Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Askar katirsan militeriga Soomaaliya oo lagu toogtay Muqdisho

Kooxa Bistoolado ku hubeysan oo aan heybtooda lagaran ayaa laba askari oo katirsan meleteriga Soomaaliya ku khaarijiyeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Labada aaskari ee latoogtay oo kamid ahaa ciidamo tababar uga soconayo xarunta wasaarada gaashaan-dhigga Soomaaliya ayaa lagu dilay meel 200 oo mitir u jirta Gaashan-dhigga xilli ay ku socdeen goobtooda tababarka sida ay sheegeen dadka goob joogayaasha ah.

Askarta lakhaarijiyay ayaan heysan wax hub ah sida dadka deegaanku ku warmeen iyada oo kooxaha naftooda dhaafiyay oo ahaa sedax ruux oo bastooladu watay ay uga soo bexeex Xerada damaanyo ee degmada Hodon oo ah xilligaan xaafada ay shacab ku noolyihiin iyaga oo markii ay kahor yimaadeenna xabad ku bilaabay.

Kooxihii fuliyay weerarka ay ku guuleesten ayaa si nabad gelya ah goobta uga baxsaday iyada oo daqiiqado kadibna ay goobta gaareen meleteri meydkii askartii lakhaarijiyaay goobta ka qaaday.

You must be logged in to post a comment Login