Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Askar Kenyaan ah oo lagu dilay, laguna soo qafaashay dagaal ay Al-shaab ku qaadeen gudaha dalkaasi

Dowladda Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhacay gudaha dalak Kenya gaar ahaan deegaanka Libooyo, iyadoo dhinaca Kenya ay sheegteen in dagaalka looga dilay 3-askar, tiro kale oo bandanna lagu layahay, halka Al-shabaabna ay sheegeen in ku dhawaad 10-askari ay ku dileen dagaalka, dhaawacyaduna intaasi ka badanyihiin, sido kalena kuwo kale ay iyagoo nool gacanta ku dhigeen sida uu yiri afhayeenka dhinaca howlgalada Al-shabaab

Taliyaha ciidamada Kenya oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in sedex askari loogu dilay dagaal ay ciidamada Al-shabaab ku qaadeen gudaha dalka Kenya, wuxuuna intaasi ku daray in qaar ka mid ah askartooda ay ku layihiin nolo iyo geeri, isagoo sidoo kalena sheegay in Guddoomiyihii deegaanka Libooye uu soo gaaray dhaawac culus sida uu yiri.

“Waxaa lagu dilay dagaalka ay ciidamada Al-shabaab ku soo qaadeen saldhigyadeena ku dhawaad sedex askari, sedex qof oo rayid ah oo uu ku jiro Guddoomiyihii degmada Libooye Kenya, sidoo kalena waxaan dagaalka ku lanahay ciidamo nool oo aan la ogeyn inay dhinteen iyo in la qabsaday, laakiin way soo bixi-doonaan” ayuu yiri Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya Charlton Mureithi oo wareysi siiyey wakaaladda wararka AFP, wuxuuna intaasi ku daray oo uu yiri “Waxaan heegan buuxa gelinay ciidamada ku sugan xududdda si ammaanka loo adkeeyo”.

Dhinaca kale afhayeenka dhinaca howlgalada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ay ku qaadeen gudaha dalka Kenya ay ku dileen 10-askar, ayna ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamo badan ay dagaalka ku qabsadeen iyagoo nool, hadalkaas oo ay dowladda Kenyana qirtay in ciidamo ay nolol ku layihiin.

“Mujaahidiinta ayaa dagaal qorsheysnaa oo ay ku qaadeen gudaha dalka Kenya waxay kula wareegeen saldhigyo ay ciidamada booliska Kenya leeyihiin, waxaa dagaalka lagu dilay 10-askar oo boolis Kenyaan ah, waxaana ku dhaawacnay ku dhawaad 20-askari, sidoo kalena waxan heynaa askar nool oo uu ku jiro Guddoomiyihii Libooye Kenya, dhawaan ayaana saxaafadda u soo bandhigidoonaa” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab ee dhinaca howlgalada Sheekh C/casiis Abuu Muscab.

Tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar ee sanadkii 2011-kii waxaa gudaha dalka Kenya ka dhacayey qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo la garaneyn, inkastoo saraakiisha Kenya ay weeraradaas ku eedeeyeen Al-shabaab, sidoo kale tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya ay Al-shabaab kala wareegeen qeybo ka tirsan gobolka J/hoose, waxaana isa soo tarayey wixii markaasi ka dambeeyay weerarada gaadmada ah oo ay Al-shabaab la beegsadaan saldhigyada ciidamada dowladda Kenya ay ku leeyihiin gobolka J/hoose iyo gudaha dalka Kenya.

You must be logged in to post a comment Login