Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Askari katirsan Dowladda Somaliya oo Goor dhow lagu toogtay Suuqa Bakaaraha.

Wararka aan ka heleyno Suuqa bakaaraha ayaa waxaa ay sheegayaan in Saacado ka hor Askari ka tirsan Dowladda Somaliya ay kooxo hubeysan ay toogteen.

Dilkan Askarigaan ayaa waxaa loo adegsaday Baastoolad ,inkastoo kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen ,manajirto cid soo qabatay raggii falkaas ka danbeeyay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxa toogashada Askarigaas,warar ka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Askariga uu dhaawacyahay,halka warar kale oo soo baxaya ay sheegayaan in Askarigaas uu dhintay.

Majirto Masuuliyiin kahadashay dilka Askarigaan,mana lagaranaayo Cidda sida rasmiga ah uu danbeysa dilkiisa.

Ciidamo katirsan kuwo dowladda ayaa gaaray goobta Askarigaas lagu dilay waxaana ay kala ceyrinayeen dad kii halkaa isgu soo baxay ama ka ogdhawaa ,maadaama goobta lagu dilay ay aheyd meel ganacsi.

Warar-ka hadda Bakaaro naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in goobta ay wali ku suganyihiin Ciidamo ka tirsan kuwo dowladda , waxaana xeran dukaaman fara kutiriska ah oo ka ag dhow goobta uu dilka ka dhacay.

You must be logged in to post a comment Login