Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Awoodii Muungaab oo La kordhiyey iyo Laamaha Amaanka Muqdisho oo Hoostagi Doono.

Xukuumada Soomaaliya ayaa saakay si rasmi ah ugu dhawaaqday in la kordhiyay awooda Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen Muungaab lana hoos geeyay Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Nabad Suguda Gobolka Banaadir .

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo saakay Warbaahinta Shir Jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in R/wasaaruha uu xeeriyay in taliyaha qeybta guud ee booliiska G/Banaadir iyo taliyaha Nabad Sugida G/Banaadir ay si toos ah u hoos tagayaan gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen Muungaab ayaa markii la magacaabay sheegay in uu doonayo in la hooskeeno Taliyaasha Nabad Dugida iyo Booliiska Gobolka Banaadir si uu waajibaadkiisa u guto waxbadana uga badalo amaanka Gobolka.

Arintan ayaa imanaeysa Xili amaanka Caasimada Muqdisho uu faraha kasii baxayo , waxaana habeenkii xalay oo ugu dambeesay Magaalada Muqdisho ka dhacay Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah ay dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku galeen Xarunta Madaxtooyada. buy Apcalis SX Oral Jelly online, acquire dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login