Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Axmed Madobbe iyo Kenyankii Kismaayo Joogey oo kala boodey, kadib markii…….

buy cardura online cheap, zithromax without prescription.

Bilawgii Bishii hore ee September Talisyada Ciidamada AMISOM iyo Milatariga Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqeen Howlgalka Badweynta Hindia oo Al-shabaab looga saaray Guud ahaan Dalka oo idil.

Ciidamada Huwantaa ayaa Dagaalo Xoogan ka bilaabay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaana Gacantooda soo gashay Goobo Muhiim ah oo Degmada Baraawe ay ku jirto.

Howlgalka ayaa waxaa loo qeybiyay 4-qeybood oo laga kala Xukumo Magaalooyinka Muqdisho,Baledweyne,Baydhabo iyo Kismaayo,waxaana la qorsheeyay in Ciidamada ay isku mar Dagaalka Al-shabaab looga soo horjeedo ay bilaabaan.

Ciidamadii loo qorsheeyay in ay Dagaalka ka bilaabaan Gobolada Jubooyinka ayaa Dib u dhac uu ku yimid waana taas mida keentay in AMISOM iyo Axmed Modoobe ay isku dhacaan.

AMISOM ayaa markii ay qabteen Baraawe waxaa ay sheegeen in Axmed Madoobe aysan sugeeyn oo ay Gobolka Jubbada dhexe Weerar ku qaadayaan,waxaana Axmed Madoobe sheegay in Arrintaas uu san rali ka aheyn oo Maamulkiisa iyo Ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda ay Jubbooyinka ka saarayaan Shabaab.

Laakiin AMISOM ayaa Diiday Axmed Madoobana ku Amartay in uusan Gobolka Jubbada Hoose soo dhaafin ilaa Amar danbe.

You must be logged in to post a comment Login