Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Axmed Madoobe oo Dagaal Cusub ku dhawaaqay (Maxaa Cusub?)

Female Cialis no rx, order lioresal buy clomid online cheap, clomid without prescription. .

order tadalafil, order Zoloft.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku dhawaaqay xaalad dagaal oo lala galayo Alshabaab, kaasi oo uu sheegay in la doonayo in Alshabaab looga saaro deegaanada ay ka maamulaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada maamulkiisa iyo ciidamada AMISOM ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Alshabaab kaasi oo la qorsheeyay in bisha soo socota ee July lagu qaado deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in la gaaray xiligii Alshabaab laga saari lahaa dhamaan deegaanada Soomaalida degto, maadaama ay dhibaatooyin badan u geysteen dadka shacabka ah, sida uu sheegay.

“Qorshaha dagaal ee aynu damacsanahay wuxuu bilaabanayaa bisha July, Shabaab ma sii joogi doono Jubbooyinka, saraakiishoodana waa la ugaarsanayaa, sida aad maqasheen kuwa ka mid ah in dhowaanahan la dilay”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday shacabka ku nool deegaanada ay hadda maamulaan Alshabaab iney ciidamada kala shaqeeyaan sidii Alshabaab looga dulqaadi lahaa.

Ciidamada ugu badan ee dagaalkaasi ka qeyb qaadan doono ayaa ah kuwa u dhashay dalka Ethiopia oo ku sugan Jubbooyinka.

You must be logged in to post a comment Login