Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Axmed Madoobe Oo Tababar Usoo Xiray Boqolaal Askari (Sawirro)

Madaxa maamulka KMG ah ee Jubba  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shalay boqolaal askari tababar ugu soo xiray Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa la sheegay in billihii ugu dambeeyay ay tababar ku qaadanayeen Garoonka Ma dhamaato, waxaana bixinta tababarkaasi gacan ka geystay Saraakiil ka tirsa Midowga Afrika.

Axmed Madoobe ayaa ciidanka ku bogaadiyay inay xafidaan dareyska iyo hubka la siiyay inay dadkooda ugu adeegaan, isagoo ku adkeeyay inaanu u gacan gelin cadowga khatarta ku ah bulshada.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamadani ay dhowaan xoreyn doonaan Deegaannada, ay Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa dhoolatus Militari ku sameeyay Garoonka Madhamaato, sidoo kalana waxay hawlo roondo ah ku soo mareen aagga Madhamaato, iyagoo wata gaadiid tuuteysan oo loo qaybiyay.

askar askar1 askar3 askar4 askar5 askar6 askar7 askar8 askar9  buy Kamagra Gold, order clomid. b

 

You must be logged in to post a comment Login