Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baabur qarxilahaa oo la qabtay inta aan la qarxin

War kasoo baxay Wasaarada Aminiga Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Gaari la sheegay inay ka buuxeen walxaha qarxa.

Af-hayeenka wasaarada amniga qaranka xukuumada Soomaaliya Maxamed Yuusuf ayaa ka warbixiyay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ciidamada amaanka Muqdisho gacanta ku dhigeen,kaasi oo la soo dhigay mid ka mid ah wadooyinka Tarabuunka ee degmada Hodan.

Afhayeenka waxa uu Tilmaamay in gaariga uu ahaa nooca raaxada ah, wuxuuna sheegay in Ujeedkiisu ahaa in lagu haligo Umada ee isticmaaleysa wadooyinka iyo agagaarka goobta uu gaariga yiilay.

Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in dagaalyahanada Al-shabaab ka danbeeyaan gaarigaan lagu qabtay Muqdisho, isagoona sheegay in gaariga uu u badan yahay mid laga soo ka xeeyay gobolada dalka.

Dhanka kale, Maxamed Yuusuf Afhayeenka wasaarada Amniga, waxa uu dadka Shacabka ah ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amaank si loogu guuleystay amaanka maalmihii u danbeeyay xaaladiisa aan wanaagsaneyn.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weeraro ka dhacay Muqdisho. Sildalis for sale, buy zithromax.

You must be logged in to post a comment Login