Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka oo ka hadlaya akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelana xarunta Golaha Shacabka ayaa ka doodi doono akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka, iyadoo Xildhibaannadu ay ka hadli doonaan aaraahdooda ku aadan wax ka badal iyo wax ku kordhin intaba.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka ee maanta uu yahay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Hanti dhowrka.

“Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ay ku beegantahay 14-Janaayo baarlamaanka kulankiisa waxaa looga hadlayaa akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka, tan kale guddoonka ayaan ka warsugeynaa ajandeyaasha xiga ee shirka maanta looga hadlayo” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Maxamed Cumar.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa laga war dhowrayaa inay cod u qaadaan golaha Wasiirada cusub marka Xildhibaannada la horgeeyo, si loo dar dargeliyo howlaha horyaalla xukuumadda ee ah hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, dib u eegista Dastuurka iyo hiigsiga sanadka 2016-ka.

Eriacta without prescription, buy dapoxetine online.

You must be logged in to post a comment Login