Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka Puntland oo soo saaray 13 qodob oo xasaasi ah

Garowe-War-saxaafadeed goor dhaw kasoo baxay kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa waxaa looga ayaa waxaa xukuumadda Puntland lagu soo jeediyay in aysan ka qeyb gelin shirka uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaas oo lagu wado in qabsoomo inta u dhaxeysa 5-ta illaa 8-da bishan nasoo aadan ee July.

Qoraalkan ka soo baxay baarlamaanka Puntland oo ka kooban 13 qodob ayaa looga soo hor jeestay ansixintii metelaadda Muqdisho ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxuuna baarlamaanka Puntland arrintaas ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Sidoo kale qoraalka ayaa aad loogu dhaliilay warbixintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxayna Puntland ku doodeysaa in nuucyada doorasho ee Xaliima Yarey ay soo bandhigtay aysan dalka ka dhici karin.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkan ka soo baxay baarlamaanka Puntland oo dhameystiran.

You must be logged in to post a comment Login