Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka Somalia oo berri cod u qaadaya shirkada Maamusha garoonka

cheap paroxetine online, buy clomid online. Xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ka doodayay heshiiska shirkadda FAVORI ee gacanta ku haysa maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta soo gunaanaday dooddooda, iyadoo berri ay xildhibaannadu cod u qaadi doonaan heshiiska ay dalka kaga howlgasho shirkaddan oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Xildhibaannadii ka hadlay heshiiska shirkadda FAVORI ayaa intooda badan qaba in xildhibaannadu ay codka kalsoonida u qaadaan shirkaddan, iyadoo sidoo kale ay jireen xildhibaanno qaba fikir kaas kasoo horjeeda oo qaba in heshiiska shirkaddan dib loogu celiyo xukuumadda Soomaaliya, kaddibna go’aan laga gaaro.

“Shirkadda FAVORI waxay maamulka garoonka la wareegtay bishii September ee sannadkii hore, maantana waxaan joognaa bishii shanaad ee sannadka 2014-ka, waana nasiib-darro inaan maanta ka doodno, waxaana qabaa in shirkadaha dalka laga howlgelinayo marka hore lasoo marsiiyo baarlamaanka si ay u sharciyeeyaan,” ayuu yiri xildhibaan ka mid ah kuwii maanta ka hadlay kulanka.

Xildhibaanno kale oo hadlay ayaa iyaguna sheegay in baarlamaanka ay ceeb weyn ku tahay in shirkad aan sharci-yeysnayn ay ka howlgasha dalka, isagoo xusay inay shirkaddii hore ee maamulka garoonka laga wareejiyay lagu sheegay inay tahay mid aan sharci ahayn, ayna xilka kala wareegtay shirkad kale oo baarlamaanku aanu sharci-yeyn.

Doodda kaddib ayuu guddoomiyaha baarlamaanku ku dhawaaqay inaan maanta loo codeyn karin heshiiska shirkaddan ay dalka kaga howlgasho xildhibaannada oo aad u tiro-yar awgood, balse ay maalinta berri ah u qaadayaan codka, ayna isla berri billaabi doonaan doodaha xeer hoosaadyada baarlamaanka.

Shirkadda FAVORI LLC oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maamulka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kala wareegtay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo SKA AIR & Logistic, iyadoo maamulka shirkaddan ay sheegeen inay dib u casriyeyn ku sameyn doonaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/May/wararka_maanta10-46516.htm#sthash.HJzcUX69.dpuf

You must be logged in to post a comment Login