Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka UK oo mar kale u codeenaya doorasho lasoo hor mariyay.

S

 Sep 9, 2019

 0S

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Britain ayaa maanta oo Isniin ah isku dayaya in uu ku dhawaaqo doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyo taas oo ay markale u codeen doonaan xilibaanada.

Ra’iisul Wasaare Johnson oo waayay aglabiyadii uu xisbigiisu ku lahaa Baarlamaanka ayaa haddana qorshihiisa ka bixitaanka Midowga Yurub waxaa sidoo kale kasoo hor jeeda ganacsatada oo cabsi badan ka qaba qorshihiisa ka bixitaanka.

Sharci dajiyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya in aysan aqbaleen doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyay tan iyo inta si buuxda looga baxayo in Midowga Yurub laga baxo iyadoona lagaarin wax heshiis ah.

Sida lagu wado xilibaanada ayaa maanta oo Isniinta ah sharcigani meel marin doono kaas oo Ra’iisul Wasaaraha ku qasbaya in Midowga Yurub uu waydiisto in loogu daro mudo sadax bilood ah.

Balse Boris Johnson ayaa horay u balan qaaday in waydiisashada waqtiga dheeraadka ah ee Midowga Yurub uu ka xigo dhimasho, isagoona ku adkeesanaya doorasho laqabto 15’ka bisha October.

You must be logged in to post a comment Login