Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamanka Soomaaliya oo codsadey in Amaankooda la sugo

Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in ilaalo loo sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka, kadib markii labadii maalmood ee u dambeeyay magaalada Muqdisho loogu dilay labo Xildhibaan.

Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay Hey’adaha Ammaanka dowladda inay iska xil saaraan ammaanka Xildhibaanada Baarlamaanka.

“Kuwii horay loo dilay Xildhibaanada iyo kuwo labadii maalmood la dilay waxay isaga mid ahaayeen ilaalo ma heysan, waxaa ka dalbaneynaa Hey’adaha ammaanka dowladda in ilaalo loo sameeyo Xildhibaanada”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay i Baarlamaanka ogolaan doonin hadal ku kooban cambaareyn kaliya, waxaana uu cadeeyay in loo baahan yahay in Xildhibaan walba amnigiisa la sugaa.

“In Amnig dalka oo dhan la sug, Xildhibaanada ammaankooda la sugo hadal dambe iyo cambaareyn ma yeeleyno, sidee xildhibaanka amnigiisa lagu sugi karaa, mala sugi karaa weeye, arrintaas waxaa ka sugeynaa Gudoonka Baarlamaanka iyo Xukuumada inay go’aan ka qaataan”ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Waxaa uu sheegay in hadii ay tahay in Xildhibaan walba uu isku tashato amnigiisa uu isaga sugto loo baahan yahay in la qayaxo sida uu yiri.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo aan wada hubeysneyn ayaa waxaa soo wajahay walaac ku aadan amnigooda, kadib markii 24-saac gudahood lagu dilay labo xildhibaan halka mid kalena la dhaawacay.

You must be logged in to post a comment Login