Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ballan-qaadkii DFS iyo waxa ka socda waddooyinka Muqdisho kala dheer

caasimada-muqdisho-940x400

Muqdisho (Somalimedia Online) – Magaalada Muqdisho waxaa kusii badanaya dilalka loo geysanaayo askarta Booliska ee dowladda federaalka oo aan ilaa iyo hadda cidna sheegan masuuliyadda.
Kamagra Gold without prescription, Zoloft reviews.

Labo askari ayaa manta lagu dilay Isgoyska afarta Jardiino ee ku yaalla degmada Boondheere, waxaana geystay dabley hubeysan oo baxsaday markii ay fuliyeen dilka.

Inka badan shan askari ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho tan iyo axaddii, waxaana ay Dowladda kasoo saarin wax war cad ah.

Hase yeeshe, kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ayaa hore ku hanjabtay in ay weeraro culus ka geysan doonto magaalada Muqdisho inta lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dowladda Federaalka ayaa xoojisay amaanka iyadoo ciidamo badan la dhigay wadooyinka waaweyn iyo isgoysyada.

Falalkan ayaa waxay imaanayaa iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay horay u sheegeen inay diyaariyeen barnaamij ay ugu magic-dareen nabad ku afur oo loogu talo-galay in lagu sugo ammaanka magaalada Muqdisho inta lagu jiro Ramadaan.

Dhanka kale, weerarradan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan weerarrada ka dhanka ah cidiamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

Somalimedia Online

Xafiiska Muqdisho

You must be logged in to post a comment Login