Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

BANAANBAX BALLAARAN OO KA DHAN AH WARGEYSKA CHARLIE HEBDO OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA GALKACYO

clomid side effects, generic lioresal. Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Wargeyska Charlie Hebdo, ayaa wuxuu maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Muslimiinta Caalamka, ayaa waxay maalmihii ugu dambeysay ay wadeen banaanbaxyo looga soo horjeedo Wargeyska Charlie Hebdo, ka dib markii uu Arbacadii daabacay sawir gacmeyd ka dhan ah Nabi Muxamed (NNKH).
Boqolaal ka mid ah bulshada ku dhaqan Magaalada Galkacyo oo isugu soo baxay banaanbax ballaaran, ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo kul kulul oo ka dhan ah Wargeyska laga lee yahay dalka Faransiiska.

Banaanbaxayaasha, ayaa waxay Dowladda Somaliya ugu baaqeen inay si deg deg ah ku muujiso shacuurteeda la xiriirta, sawir gacmeedyada uu Wargeyska Charlie Hebdo ka sameynaayo Suubanaha.
Dadkii horkacaayay banaanbaxayaasha oo khudbado u jeediyay, ayaa waxay ereyo ad adag u adeegsadeen Wargeyska ka soo baxa Magaalada Paris.

Charlie Hebdo, ayaa waxaa dunida Islaamka uga imaaneysa fariimo kul kulul oo looga jawaabaayo sawir gacmeedyada, uu ka sameynaayo Nabi Muxamed (Caleehi Salaatu Wasalaam).
Shalay, ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu qabtay banaanbax midkaan la mid ah, oo lagu dhaliilaayo Charlie Hebdo.

You must be logged in to post a comment Login