Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

BANAANBAXYO ISKA SOO HORJEEDA OO LA XARIIRA ISLAAMKA IYO SOOGALOOTIGA OO KA DHACAY DALKA JARMALKA

acquire tadalafil, Zoloft withoutprescription. Waxaa sii xoogeysanaya banaanbaxyada ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee dalka Germany kuwaasi oo qaarkooda looga soo horjeedo dadka Soogalootiga ah iyo waliba diinta Islaamka ee dalkaasi kusii fideysa.

Banaanbaxyadan ayaa markii hore ka bilaabmay magaalada Dresden, waxaana soo qaban qaabiyey urur cunsuri ah oo la baxay [Pegida], kaasi oo shacabka Germany ugu baaqayey inay ka qeyb qaataan mudaharaadyada looga soo horjeedo Islaamka iyo waliba dadka soogalootiga ah ee kusoo badanaya dalka Germany, sida ay sheegeen.

Balse waxaa hada bilowday banaanbaxyo kale oo iyaguna looga soo horjeedo kooxdan lagu tilmaamay cunsuriyiinta iyo waliba mudaharaadyadooda. Banaanbaxyadan danbe oo iyaguna lagu taageerayo isdhexgalka dad reer Germany iyo in magan-galyo lasiiyo dadka muslimiinta ah, qaxootiga ah iyo soogalootiga.

Magaalada Cologne oo ah magaalada 4aad ee dalkaasi Germany, ayaa waxaa xalay ka dhacay banaanbax balaaran oo lagu taageerayo dadka muslimiinta ah iyo waliba dadka Soogalootiga ah, muwaadiniinta ku dhaqan magaaladaasi ayaa cambaareeyey dhaq dhaqaaqa [Pegida] oo ay ku sheegeen kooxo cunsuriyiin ah oo doonaya inay iska horkeenaan shacabka dalka Germany.

Banaanbaxa taageerada muslimiinta ayaa la sheegay inay ka dad badnaa kii ay soo qaban qaabiyeen kooxda Pagida, waxayna shacabka kasoo horjeeda kooxdaasi cunsuriyiinta ah iyagana la baxeen [Kogida]

Madaxa dowlada Germany Angela Mercel ayaa ku tilmaamtay kooxda Pagida mid ka shaqeenaysa isku dir iyo buun buunin cabsi gelinta dadka Germany, iyadoo cambaareysay banaanbaxyada looga soo horjeedo Islaamka ee kooxda Pagida wado, waxayna sheegtay in shacabka reer Germany aysan taageerin dhaq dhaqaaq cunsuri ah.

W/D Hanad Askar

You must be logged in to post a comment Login