Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bankiga dhexe oo qirtay in laga xaday $530,000

Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa maanta xaqiijiyey in khasnadda Bankiga laga xaday lacag dhan $530,000, mar uu warbaahinta kula hadlayey Muqdisho.

Muxiyadiin Maxamed Xasan oo ka tirsanaa shaqaalaha Bankiga dhexe ayuu ku eedeeyey inuu lacagtaas xaday, isagoo ku sii daray in ninkaasi baxsaday.

Mar uu ka hadlayey qaabka ay ku suurtagashay in lacag xadigaas le’eg laga xado ayuu xusay in ninkaas oo khasnaji ahaa uu keenay bankiga lacago been abuur ah sidaana uu ku qaatay tii saxda ahayd.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Brand Viagra no rx, order zithromax. Silfar without prescription, Zoloft withoutprescription. buy periactin online without prescription, order lioresal. Bulshada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay gacan ku siiyaan laamaha amaanka ee dowlada sidii la-tuhunsanaha loo soo qaban lahaa, mase sii faahfaahin inuu dalka ka baxay iyo in kale.

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo mudo dheer la daalaa dhacaysay musuqmaasuq baahsan ayey tani ku noqon doontaa dhabar jab.

You must be logged in to post a comment Login