Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Barakac ka billowday MARKA iyo Xiisad ka taagan magaalada

Sildalis no rx, buy zithromax online.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka billowday barakac ay sameenayaan dadka deeganka.

Goobjoogayaal ku sugan Marka ayaa Caasimada Online u sheegay in magaalada ay ka taagan tahay xiisad taasoo laga cabsi qabo in ay isku badasho dagaal.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo wax-barashadda ee magaalada ku yaalla.

Magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo hubeysan kuwaasoo taagan meel kasta oo ka mid ah waddooyinlka magaalada.

Dadka deeganka ayaa u cararay deegannada Ceel-Axmed, Gandarshe iyo Ceel-Jaalle oo dhammaan ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha sababay xiisadda ka aloosan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose balse waxaa la lee yahay waxaa laga cabsi qabaa in markale ay magaalada ku dagaallmayaan maleeshiyaad u abaabulaan qaab beeleed oo ka horrey magaalada ku dagaallamay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan wafdi heer wasiiro ah u dirtay Marka kuwaasoo la rabay in ay soo afjartay dagaallada ku soo noqnoqday gobalka Shabellaha Hoose gaar ahaan magaalada Marka.

Si kastaba, waxaa dad badan ay aaminsan in dagaallada ku soo noq-noqda gobalka Shabeellaha Hoose waxaa ka dambeeya gacan seddaxaad oo aan ahayn dhinacyada dagaallamaya.

Sidoo kale dagaallada Shabeellaha Hoose waxaa ka qeyb qaatay ciidamada dowladda kuwaasoo la kala saftay dhinacyadda dagaallamay.

 

You must be logged in to post a comment Login