Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Barre Hiiraale oo ka hadlay Arimo Xasaasi ah

Hoggaamiye Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) oo kamid ah hoggaamiyeyaashii ku dagaalamay magaalada Kismaayo iminkana isaga iyo ciidamadiisa ay fadhiyaan meel qiyaastii Kismaayo u jirta 15KM ayaa sheegay inuusan quseynin shirka magaalada Kismaayo uga soconaya beelaha ka soo jeeda Jubbooyinka.
Shirkan oo ay fureen madaxweyne ku xigeenka Jubba Jeneraal Cabdullaahi Ismaaciil(Fartaag) iyo wasiirka howlaha guud ee dowladda Soomaaliya waxaa isugu yimaaday odayaasha dhaqan iyo waxgaradka ka soo kala jeeda Beelaha ay ku kala abtirsadaan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.
Korneel Barre Hiiraale ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu kicinayo dagaal isla markaana uusan ahayn mid looga hadlayo danaha dadka Jubbooyinka wada dega iyo nabadgelyada magaalada Kismaayo.
“Shirkaas annaga ma aqoonsanin dad gaar ah ayaa doonaya inay colaad uga dhex abuuran beelaha walaalaha ah” sidaas waxaa sheegay Korneel Barre Hiiraale.

You must be logged in to post a comment Login