Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bayaan ka so baxay Alshabaab oo lagu mamnuucayo adeegyo mihuum u ah bulshada Soomaaliyeed


War qoraal ah oo lagu daabay page-ka Alshabab ee facebook ayaa u qornaa sidan.

Xarakada AlShabaab Al-Mujaahidiin ayaa goordhow soo saartay go’aan lagu joojinayo gebi ahaanba Adeegyada Mobile Internet iyo Fibre OPtic guud ahaan dalka Soomaaliya Iyadoona Bayaan ka soo baxay Mujaahidiinta lagu faafaahiyey arinkaasi.

Bayaan oo ku Qoran Luuqadda Soomaaliga ayaa lagu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ay go’aamisay joojinta Adeega Mobile Internet iyo Fibre Optic Dalkan Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Qodobadii ku qornaa Bayaanka:

1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.
Bayaankaas oo Dhameystiran Goordhow Ayaan Idiin Soo Gudbin Doonaa Insha’allah

Isha Warka:Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab

You must be logged in to post a comment Login