Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Beesha caalamka oo soo dhaweeysay heshiiski dowladda iyo maamulka Puntland

Kamagra Polo no rx, clomid reviews.

Qaramada midoobay, urur goboleedka IGAD  iyo Midowga Yurub ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen ayeey ku sheegeen in heshiisku yahay  tallaabo horumar leh oo loo qaaday xagga siyaasadda, maamul wanaagga iyo hirgalinta nidaamka federaalka.

Sidoo kale xuseen in loo baahanyahay in si wadajir ah loo dhaqan galiyo heshiiska, si looga miradhaliyo himilooyinka ay higsanayso Soomaaliya.

Ururrada ayaa xusay in ay gacan ka geysanayaan hirgalinta heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland ayaa wada saxiixday heshiis ay ku soo afjareen ismaandhaafka  siyaasadeed ee u dhaxeeyay labada dhinac.

You must be logged in to post a comment Login