Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Beesha Mareexaan oo maamul cusub Gedo kaga dhawaaqaya

Ugaaska beesha Sade Mareexaan Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa ka hadlay xaaladaha gobalka Gedo ee Koonfur Galbeed dalka..

Marka hore waxa uu baaq u jeediyay maamulka heysta magaalada Kismaayo waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in dadka sida gar-darrada ah loogu leynayo magaalada Kismaayo laga joogsadaa oo Maamulka Axmed Madoobe uu ka tanaasulaa beegsashada dadka u dhashay beesha Mareexaan.

Waxa uu sheegay in gobalka Gedo uu noqday mid dhinac walbaba uu sheegto arrintaasoo uu ku tilmaamay mid riyo ah.

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa sheegay in la qaban doono shir-weyne looga wada hadlayo arrimaha gobalka Gedo oo uu hoosta ka xariiqay in lagu dhisi doono maamul ay doortaan shacabka iyo dadka reer Gedo.

“Kismaayo dadkayagii baa lagu xasuuqayaa, Axmed Madoobe waxaan leenahay si deg-deg ah waa inaad ku joojisaa” sidaas waxaa yiri Ugaas Maxamed Ugaas Cumar.

Waxa uu sheegay in Kismaayo iyo Baydhabo midna uusan hoostagi doonin gobalka Gedo isla markaana maamul la yiraahdo Gedo State ay ku dhawaaqi doonaan.

Ugu dambeyntii waxa uu gar-gaar u dalbay qoysaska dhibaateysan ee ku nool deegaano kamid ah gobalka Gedo.

You must be logged in to post a comment Login