Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Beesha Sade oo mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheikh ku tilmaamtay mid qaran dhumis ah oo ay siyaasadi ka danbeyso.

buy Super Tadarise online, order dapoxetine. Ayado maalmo ka hor koox xildhibaano ah oo garaya 100 ay keenen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa soo baxaya dareemo kala duwan oo laga muujiyay moshinkaasi.

Beesha Sade oo ka mid ah Beelaha ugu sameynta badan somalia aya mooshinkaasi shaki badan ka muujisay waxaayna ku shegtay mid lagu doonayo in lagu burburiyo hay,adaha kooban ee manta qaranka somalia u dhisan.

Suldan Axmed Garbacune oo ka mid ah Suladiinta Beesha Sade oo asago ku sugan magaalada Cabudwaaq warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in mooshinka laga keenay Xasan Sheikh Maxamuud u yahay mid lagu burburinayo qaranka Somalia.

Suldanka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Xildhibaanada 100 ka ah ee Maqaayada Saxafi hotel Qadada laga siiyay ay iskugu jiran 3 qaybood

Suldanka waxaa uu sheegay in Qaybta kowaad ay tahay xildoon waxana ay rabaan ayu yiri in ay jagada kala wareegan Madaxweyne Xasan Sheikh ama Dowlada saami loga ogolado.

Qaybta labaad ayu suldanki ku sheegay in ay yihiin qayb rabta in lo fuliyo dano siyaasadeed oo ay wataan sida in lo aqoonsado maamul goboleed iyo arimo kale oo badan.

Suldanka ayaa qaybta sadexaad ku sheegay kuwa ugu liita waxaana uu sheegay in kuwaasi waxa socda aysan ka warqabin ee ay hoolka qado u soo raadsadeen iyo shilimaad jeebka logu shubo.

Ugu danbeyn Suldanka ayaa waxaa uu ugu baqay in shacabka Somaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan wax alaale iyo wixii wax u dhimi kara hay,adaha qaranka ee hada dhisan.

You must be logged in to post a comment Login