BELEDWEYNE : Kooxo hubeysan oo toogtay Askari ka tirsan ciidamada nabad-sugida

Filed under: Wararka |

 Koxo hubeysan ayaa caawa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

Goob jooge ayaa u sheegay warbaahinta in raggii Askariga dilay goobta ka baxsadeen, iyaga oo horay u sii qaatay qorigii uu sitay.

Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida Soomaaliya oo caawa lagu dilay Beledweyne.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ka soconaya howlgal ballaaran oo ay sameynayaan ciidamada amniga.

Posted by on July 16, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply