Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bisinku waa aayad ka mid ah Faataxada ee yaan la qarin ama laga tagin.

Osman Said Hersi is with Mohamed Keynan and 81 others.

July 4 at 12:33 PM · 

Bissinka oo laga taaga ama hoos lo aqriyaa waa ku-gaf salaadda marka faataxada la aqrinaayo ,Imam shafici na taasi waa diiday ..fadlan ka bogo Halkaan cashar muhiim kuu Ah ..oo si sabur leh ku Wada aqri.

Ugu horeyn waxaa xussid mudan In Faatixda goorta Malakul jibriil uu kusoo dajinaayey oo uu u aqrinaayey Nabi Muhammad csw uu kor u aqriyey , Nabigana sidaasi lagu baray , faatixaduna eey todobo Aayad tahay ,Bissinkuna yahay Aayadda koowaad ee suuradda waana suuradda kaliya ee Qur,aan ka bissinkeedu yahay aayadda , yahay na aayadda koowaad ee suuraddaasi faatixada Loo yaqaan .
Waxaana taasi cadeyn u ah xadiithkaan oo uu Imam tarmidi Soo warinhayo

” لا صلاة لمن لم يقرأ بفاتحة الكتاب ” رواه الترمذي

*(Salaadiisa waa waxba kama jiraan Qofkii aan aqrin faataxada oo aan u aqrin sida eey Kitaabka ugu taal …)* ula jeedadu Qofkaan u aqrin sida jibriil uu ugu aqriyey Nabiga csw , oo Ah sida uu Nabigana U-aqriyo@ marka salaadda agteeda eey tahay ama lagu jiro ..waayo Nabiga waligii kuma khilaafin malaku-jibriil sida uu u baray Quraanka …taasi waa sababta koowaad ee Ah cadeeynta U,Ah In Nabigayaga uu waligii ba kor bissinka salaadda ugu aqrin jiray bissinka faataxada marka salaadda eey tahay Tan kor Loogu qaado faataxada sida maqrib ka ,cishaha iyo Subaxa intaba .

Cadeeynta labaad .

Daliisha labaad waa Xadiith laga Soo warinhayo Anna’s ee kuyaalla Saxiixa bukhaariga , waana Xadiith saxiix Ah , waana xadiithka lambarkiisu yahay 5045, ee baalka 952-aad ,qeybta fadliga Kitaabka , baabka Maddal Qiraa,a ee Ah daabacaadda *(. Daarul dhibaaca al-cilmiyyah )* daabacaadda koowaad ..ee ladaabacay sanadkii 1421 gii

Qattaada ayaa leh , waxaa la weydiiyey Anna’s sida uu Nabiga csw uu u aqrin jiray qiraa,Ada ama aqrinta faataxada , suuyeen , Nabiga scw kor buu u aqrin jiray waana dheereen jiray bissinka isagoo leh *(Bismillaaaahiiiii al-Rraxmaaaaaani ….Al-raxiiiiiiiiimiiiiii )*yacni waa kor buu u aqrin jirey si lawada maqlaayo oo waliba jii-jiid Ah .

Halkaasi waxaa laga fahmaayaa In Nabiga csw aanu waligii ka tagin bissinka ,hoosna aanu U-aqrin xadiithkaan na waxaa uu jawaab Celin cad-u yahay kuwa bissinka hoosta ka aqriya ama qariya oo aan jecleyn ineey kor ugu dhawaaqaan .

Waakan xadiithka isagoo af carabi ah

حدثنا عمرو بن عاصم حدثنا همام عن قتادة قال سئل أنس كيف كانت قراءة النبي صلى الله عليه وسلم فقال كانت مدا ثم قرأ بسم الله الرحمن الرحيم يمد ببسم الله ويمد بالرحمن ويمد بالرحيم

3-Daliisha sedexaad waa

وروى الدارقطني والبيهقي من حديث أبي هريرة مرفوعا : إذا قرأتم الحمد لله فاقرؤوا (بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ) إنها أم القرآن ، وأم الكتاب ، والسبع المثاني ، و (بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ) إحداها )* وهذا حديث صحيح 
Oo Ah macnaha In lagasoo wariyey Daarul Qudhni iyo Imam beyhaqi iyagoo Soo qaatay xadiithka abii hureeyrah isna uu kor ahaan uu ka maqlay Nabiga caleyhi salaatu waslaam In uu yiri *( hadaad aqrineeysan suuradda alxamdulillaahi oo uu ula jeedo faatixada aqriya bissinka oo dhahaya bismillaahi raxmaani Raxiimi ,waayo faatixada waa hooyada Qur,aan ka ,waana hooyada Kitaabka waana todobada mataan ,bissinka na waaba Aayad ka mid ah suuraddaasi faatixada Ah .)* kaasina waa Xadiith saxiix Ah .oo.Nabiga csw lagasoo wariyey .

Halkaan waxaa Xussid mudan In goorta eey faataxada Soo dagatay uu aad u carooday Sheydaanka oo uu waliba aad u ooyey , Sheydaanka na waa Cadowga islamka iyo insaaniyadda guud intaba ,waayo dadka Naarta ayuu ugu yeeraa iyo baadinimo iyo fasahaad labada daarood ee Aakhiro iyo aduun intaba ,sida ku qoran Kitaabka Imam dhabaraani mucjamkiisa dhexe

أخرج الطبراني في الأوسط من طريق مجاهد عن أبي هريرة – رضي الله عنه – قال: ( رنَ إبليس حين أنزلت فاتحة الكتاب).
Xadiith kaasi waxaa Soo saaray dhabaraani ,mujaahid baana kasoo wariyey abii hureeyra In uu yiri *( Waa Ooyey ibliis goorteey soo dagatey suuradda faataxada Loo yaqaan )*

Qolyaha aan kor ugu dhawaaqin bissinka goorta faataxada salaadda islamku kor u qaadan sida salaadda Subaxa ,maqribka iyo cishaha ..iyo meesha eey cuskadaan qolyahaasi bissinka Gaabsada ee hoosta aan la maqal u aqriya , Qaarna kaba taagan ba aqrinta bissinka faataxada .

Qolyahaasi waxeey Soo daliishadaa Xadiith ku yaala saxiixul muslim ka 
,Laakiin xufaadda waa diideen Xadiith kaasi , waana daciifiyeen waana xadiithka NO# yahay 399 aad ,ee Kitaabul Salaa ,baabka Ah kuwa xujeesta inaan bissinka kor Loo qaadi karin ..waxaana Soo warin haya isla qattaada oo Anna’s ka Soo warin haya waana Aniga isla iyaga aan Soo qaatay kuna raddinaya kuwa eey Hadda isla iyaga iyana eey Soo qaatteen ..laakiin aan gadaal idin kaga muujiya doono xaqiiqda iyo dhab ta , si waliba hufan

Waakan xadiithka eey Soo qaataan isagoo af carabi ah qolyaha bissinka la dhuunta oo Qarsada faataxada .
صَلَّيْتُ مَعَ رسول الله وأَبِي بَكْرٍ وَعُمَرَ وَعُثْمَانَ , فَلَمْ أَسْمَعْ أَحَدًا مِنْهُمْ يَقْرَأُ بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ
Oo Ah micno ahaan *( Waxaan salaad latukaday Nabiga csw , abii bakar iyo Cumar iyo cismaan , midkood na kama maqal oo aqrinaayo bissinka oo dhahaya bismi-Laahi , Raxmaani ,al-Raxiim )* dhamaad hadalkiisa waa Annase.

U-fiirsada walaalayaal hadalka Annas eey Soo qaadanayaan qolyaha bissinka ka tagahayo , Anna’s muusan Oran Nabiga csw kama maqal , Mana oran Nabiga ayaa bissinka ka tagay ee abii bakar iyo Cumar iyo cuthman kama maqal buu leeyahay iyagoo aqrinaayo bissinka …waa yaab ! Kama maqal buu leeyahay ee ma oran hoos beey u aqrisan jireen , Laakiin kuwa Sheydaanka qaaday baa u fasirtay maadaama uusan iyaga ka maqlin dee Malaha hoos beey u aqrisan hayeen beey is dhaheen sida muuqatta oo eey u fasirteen .

Isla Xadiith kalena qolyahaasi weey soo qaattaan oo isna ku Sugan isla saxiixul muslim ka oo isla Anna’s laga Soo warin hayo oo meesha uu ka leeyahay kama maqal iyagoo aqrinhaya bissinka uu misana ku leeyahay maba eeysan Xussin bissinka Sedex Doodaba Hadana oo laf digaan Soo qaadan haya oo Ah لايذكرون maba xussin bisisnka .

صَلَّيْتُ خَلْفَ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم وَأَبِي بَكْرٍ وَعُمَرَ وَعُثْمَانَ فَكَانُوا يَسْتَفْتِحُونَ بـِ ( الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ) , لا يَذْكُرُونَ بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ فِي أَوَّلِ قِرَاءَةٍ ، وَلا فِي آخِرِهَا .

Oo Ah macnaha *( Nabiga csw baan gadaashiisa salaad ku xirtay , abii bakar iyo Cumar iyo cismaan intaba waxeey ku fur-furan jireen al-xamdullilaahi Rabbil caalamiin, Mana Xussi-jirin bissinka ba aqrinta hore iyo Dan danbe )* yacni faataxada .

Markaana ma oran sida siiqada ka muuqaatta hadalka Annas Nabiga csw ayaa ka tagay ama aan xussin bissinka .

Su,aashu waa Abii bakar iyo Cumar iyo Cuthman ma Nabiga ayeey ku khilaafi karaan salaadda ,illeeyn horey baa isla qattaada ugasoo wariyey Anna’s In Anna’s cadeeyey goorta la weydiiyey aqrinta Nabiga csw sida eey aheyd uu inoogu cadeeyey Xadiith kaasoo eey culumada Sugaan saxiix ahaantiisa In Nabigu kor ugu dhawaaqi jirey isagoo waliba aad U-Jiir-Jiidi jirey bissinka goorta uu aqrinaayo .

Isla Xadiith kaleeto ayeey Soo qaattaan oo sedexaad oo isla isaga uu Soo warinhayo Anna’s kuwa bissinka hoosta ka aqriya faatixada salaadda Laakiin Hadana kuwii hore Wax yar ka yara badalan waana Sidan

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم وَأَبَا بَكْرٍ وَعُمَرَ رضي الله عنهما : كَانُوا يَسْتَفْتِحُونَ الصَّلاةَ بـِ ( الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ) .
Oo Ah midna ahaan *( anas bin Malik allaha ka raali noqdee baa kasoo wariyey In Nabiga csw iyo abii bakar iyo Cumar iyo cismaan ba goorta eey Qur,aan ka aqrinayaan eey ku billaabi jireen iyagoo ku fur-furanaaya faatixada marka salaadda lajoogo )*

Hadaba dhammaan haddalada Anna’s bin Malik oo is Wada burburinaaya oo kala duwan waxeey cadeyn u yihiin Inuu ahaa Qof waayeel Ah oo hilmaam badan oo aan waxba laga qaadan karin , marka xigta iyadoo aanu heeysanno hadalka Nabigu uu yiri oo saxda ah oo aan qaldamin o waxyi rabbaani Ah , ma ahan In aan qaadanno hadal saxaabi Ah waliba jooga Cimri , Halmaankiisu battay .

Culumada maxeey ka dhaheen is burburinta Anna’s bin Malik .

1- Xaafidkii ahaa Abuu Camra cuthman bin cabdiraxman bin salaax al-shahr-zoowrii *(643)* hijriyada allah oofsaday kitaabkiisa Loo yaqaan macrifatul anwaac cilmul Xadiith معرفة انواع علم الحديث iyo kitaabkiisa kale ee isna Loo yaqaan muqadimatu ibn salaax fii culumul Xadiith مقدمة ابن الصلاح في علوم الحديث 
Waxaa uu uyeelahayaa Cillad waxaana uu leeyahay sidatan *( is burburin taasi waxaa Loo qaadan karahayaa Inuu ula jeeday saxaabigaasi Anna’s ahaa In aqrinta Quraanka marka la aqrinaayo o quraan ahaan Loo aqrinaayo Quraanka In marka hore suuradda faatixada lasoo qaatto oo la aqriyo kadibna Halkaasi lagasii aqriyo suuraddaha kale ee Quraanka ,waayo hadalkiisa Ah waxeey ku fur-furan jireen quraan aqrintooda al Xamdullilaahi rabbil caalamiin yacni waxaa uu ula jeedey buu leeyahay waa suuradda faatixada ee ma ahan In Loo fahmo Inuu ula jeedey bissinka oo laga tago , ama hoos haloo aqriyo ,buu leeyahay waayo bissinka waaba Aayad ka mid ah aayadda Ha faatixada buu leeyahay , Mana jiri karto sabab looga tagaayi ama hoos loogu dhigaayi aqrinteeda , Midda kale waxaa Uu sii leeyahay waxaaba sugnaatay In Anna’s bin Malik laf ahaantiisa la weydiiyey mar , bal In Nabi maxamed csw uu mar kaliya ka tagay faatixada bissinka salladda iyada oo lagu jiro waxaana uu ku jawaabay Anna’s Su,aashaasi toos ka aheyd , In aanu Hadda waxba marakani kaba xasuusan Wax Uu salaadda Nabiga ka xussustaba aaneeyba jirin Hadda )* dhammaad hadalka xaafid ka ee ee uu kasoo guurshey Anna’s bin maalik .

Kulaabo Kitaabka xaafid ka ee Loo yaqaan معرفة انوع علم الحديث 
Oo eey daabacday Darulqubbah kutub al cilmiyyah,daabacaadeeda koowaad , safxadda ama baalka 191 aad .

2- waxaa isna saas oo kale Hadana oranaaya isla xaafid ka kale ee weyn ee Loo yaqaan Imam Al-Nawawi eeg kitaabkiisa Loo yaqaan # irshaad dhullaab al-Xaqa,iq ilaa macrifatu sunan kheyrul khalaa,iq ee eey daabacday maktabadda daarul bashaa,ir ee Ah daabacaadeeda labaad sanadkii 1411 hijriyada la daabacay pp- 102-103 .

3- waxaa isna isla sidaasi qaba oo saas usoo guurinhayaa isna Caalimka weyn ee Ah xaafid ka Ahmed mohamed shaakir waxaana saas Uu ku Xussahayaa Kitaabka Loo yaqaan الباعث الحثيث شرح اختصار علوم الحثيث ee uu iska lahaa Imam ibn kathiir kitaabkaasi buu saaray Xaashiyad *( faallo Faah -faahineed)*ka eeg baallalka 63-64 ee daabacadda daarul kutub al cilmiyyah .

4- Xaafidka weyn ee Loo yaqaan Zeynudiin Al -Ciraaqiiyi Issagu na waxaa uu kusoo qaadan hayaa kitaabkiisa Loo yaqaan 
التقييد والإيضاح لما اطلق واغلق من مقدمة ابن الصلاح 
Ee lagu daabacay daarul kutub al cilmiyyah ,daabacaadka koowaad ee ladaabacay sanadkii 1417 dii baalashiisa kala Ah :- pp 98-99-100-101-102 isna ka eega .

Xaafidkaan Issagu waxaaba uu sii raacin hayaa hadalkiisa isagoo aad usii sharaxayo In Imam beyhaqiyyi oo ahaa xaafidka 8-aad ee islaamka ahaana imamkiii shaafiyida culumada ahi inuuu kusoo qaadan hayo kitaabkiisa 
Waxaana Uu ku sababeeyna hayaa sababta eey culumada Shaaficiyada u daciifiyeen dhammaan sedexda riwaayadood eey Soo qaattaan kuwa bissinka hoosta ka aqriya ama ka taga …isagoo aad u faahfaahinaaya ,

Imam Shaafici na waxaaba uu oranaaya haloo sheego kuwaasi In khilaafahayaan xufaadda islamka iyo sida sufyaan bin cuyeeynah iyo Qafzaari iyo Thaqafi iyo Tiro ilaa Todobbo ama Sideed Ah oo aan Aniga la kulmay buu leeyahay Imam shafici , iyadoo hal kaliya uu jawaab cad ugu Filan yahay kuwa bissinka aan ogolaan In kor Loo qaado …laakiin Hadana kuwaasi kulligood waxaa eey jawaab cad siinahayaan buu leeyahay In bissinka oo kor lo qaado uu yahay Wax sharci Ah oo saxaabadii nabjga killigood iyo Nabigana bisisnka kor u Wada qaadi jireen .

Laakiin kaliya eey ku dhageen kuwa bissinka hoosta ka aqriya hadalka aan la hubin ee isagoo da,da ka daba timi oo halmaanka badani goorta eey haleeshey qaatteen hadalka Annas bin maalik .

5-ibn cabdul bar

Culumada aad ka Uga hor yimi bisisnka oo la sireeysta ama hoos Loo aqriyo waxaa ka mid ah xaafidka weyn e Loo yaqaan ibn cabdul barri isagoo kusoo qaadan hayo kitaabkiisa Loo yaqaan الاستذكار waxaana uuu leeyahay hadaad aragtaan wax sidaa issu burburin haya oo isla hal nin lagasoo Wada warinhayo waxbaa ka qaldan waxaana ku jira cillad mana laqaadan karo , Laakiin waxa kaliya ee Loo qaatteen ka ahi waxeey noqoneeysaa In uu Anna’s ula jeeday In Qur,aan ka goorta saxaabada eey aqrintooda ku furfuran Jireen marka hore suuradda faatixada markeey rabaan ineey Quraanka aqriyaan waayo waa hooyada Qur,aan ka oo dhan , uguna fadliga badan …laakiin marna ba ma ahan In Loo,qaatto In hoos Loo aqriyo ama laga tago goorta salaadda lagu jiro bisisnka ama marka kaleba , ma ahan buu ku leeyahay marna In laga tago bisisnka faatixada ama hoos Loo aqriyo .

Ugu danbeeyn

Imam tarmidi jaamiciisa waxaa uu kusoo qaadan hayaa si kooban hadalka Imam ka yaga Imam shafici oo Annaga macno weyn Inoo yeelanaayo waana sidatan hoose .

وحكي الترمذي في جامعه عن الشافعي قال :- *( إنما معني هذا الحديث ان النبي صل الله عليه وسلم وابا بكر وعمر كانوا يفتتحون القرءان بالحمد لله رب العالمين معناه انهم كانوا يبتدءون بقراءة فاتحة الكتاب قبل السورة وليس معناه انهم كانوا لايقرءون بسم الله الرحمن الرحيم .)* انتهي
Imam tarmidi jaamiciisa isagoo ka sheekeeyn haya Imam shafici waxaa uu yiri buu leeyahay , waxaa uu yiri Imam shafici *( ula jeedadu waa sida xadiithka Anna’s ka muuqatta ee Ah markaan salaadda ku xirtay nabiga iyo abii bakar iyo Cumar , waxeey ahaayeen kuwa ku fur-farta aqrintooda Qur,aan ka goorteey aqrinayaan alxamdullilaahi rabbil caalamiin ,micnuhu waa In eey ahaayeen kuwa marka eey rabaan ineey aqristaan Quraanka ku bilaabo suuradda faatixada ayaa laga wadaa intaaneeyba aqrinba suurad kaleba …..laakiin ma ahan In Loo qaatto macnaha bissinka In aan la aqrin ama aan la xussin )* waa dhamaad hadalka imamka shaafici , ee uu Soo qaatay Imam tarmiidi,kuna Soo qaatay jaamiciisa Loo yaqaan jaamiciisa al tarmidi .

Halkaasi waxaa inooga cad in xufaadda shaaficiyada iyo Imam Kooduba waa shaaficiye marna aaneey ogolaan bisisnka oo laga tago ama hoosta laga aqristo , waayo In kor Loo qaado baa Nabiga ka sugnaatay ,sidoo kale saxaabadii Nabiga intaba ….sanad Sugan na ka sugnaatay isla Anna’s bin maalik , Halka axaadiithta kale ee Anna’s ee hoosta kuwa ka aqristaayi Soo qaatteen culumada iyo xufaadda eey daciifiyeen ,oo waliba cilladeeyeen .

Wallaahu ac-lam wa,axkam .

Waxaa Soo aqriyey oo soo aruurshey idiinna tarjumay 
Osman Said Hersi *( Philosophy )*111 CommentLikeShow more reactionsComment

Comments
  • Osman Said Hersi Faatixada kuwa Kataga bissinka Haddaad aragtaan , ogaada waa kuwa wahabaiyada kasoo qalin qaatay , kuwooda Somalida Ah …waayo Annagu waligaya waxaanu aheyn shaafuciyyah , culumada shaaficiyadana waligood ma eeyan ogolaan In bissinka laga tago ama hoos Loo aqriyo ,waana sida uu 

You must be logged in to post a comment Login