Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Boobka badda somaliyeed oo jid gaaban oo sugan loo helay

 

2009kii, lama mahadiye Cabdiraxman cabdishakuur oo ay weheliyaan Cumar Cabdirashid iyo kooxo kale oo calooshood u shaqaysata ah yaa markii ugu horraysay baddda somaliyeed uga furay daaqad ay ka soo galaan Kenya iyo shirkado reer galbeed ah oo horay u ogaadey in halkaa saliidi ceegaagto. Arrintaa waxaa si geesinimo leh uga hortagey barlamaankii ku meel gaar aha oo wax kama jiraan ka dhigay warqadiihi laga saxiixday damiir laawe Cabdishukuur.

Barlamaankaasi wuxuu intaa raaciyey oo sharci somaliyeed noqday in an arrinta badda dib loo soo qaadi qarin ilaa la helo dowlad somaliyeed oo dhinac kasta ka dhammaystirin talada dalkuna si buxda gacanteeda ugu jirto. Arrinta badda halkii barlamaanku ku xiray laguma deyn ee waxaa la hoos rooray cid kasta ee kursi madaxtinimo ee somaliyeed si an xalaalnimadeeda la hubin ugu fariisata. Daba maryadaasi waxay salka ku haysaa aragti ah in an somalidu u haysan dowlonimada wax taxane ah ee madaxdii timaadaaba ay inkirayso oo daaqadda ka saarayso wixii kuwii ka horreyey xeeriyeen.

Aragtidaa ayagoo ka duulaya Kenya iyo shirkadaha batroolku(an ku magacawno isbahaysiga boobka) waxay heshiisyo cusub oo sii durkinaya wixii u sameeyey Cabdishakuur la galeen wasiiradii arrimaha dibada ee xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid), marwo Fowsiya.

Mar labaad yaa shacbiga somaliyeed iyo xukuumadii Shirdon si cad u fashilyeen soo rogaal celintaa.

Labadaa fashil iyo shirkadihii oo ka cago jiidey in ay xoolo badan iska galiyaan qoditaan ceelal shidaal oo an xaaladoodu sugnayn ka dib, xeeshii isbahaysiga bad-boobku way isbeddeshay waxaana la istusay:

in la barbar maro barlamaankanka (by passing ) oo carqalad ku noqday danaha isbahaysiga, xukummada oo cid walbaale ah oo inkasto qaarkeed diyaar u yahay adeega qaarkedd kale an la marsiin Karin khiyaaamada socota iyo qaylada dhaanta joogtada ah ee shacbiga intaba.

Saa daraadeed Isbahaysigu wuxuu go’aansaday in madaxweyne Xasan adeegsigiisu ka qiimo yar yahay kana dhaqsi iyo waxtar badan meelihii ay boob-doonku markii hore marayeen.

ku dhiirrigalin xoog leh madaxweyne Xasan in u dhaqmo sidii boqorrada bariga dhexe oo an barlamaan xukumin lakiin kaliya u talo siiyo, waxaa loo xilsaaray fulinta labada arrimood ee soo socota oo kaliya. Inta kale hawsha waxaa dhammaysan oo ku filan isbahaysiga boobka badda:

  1. In u wixii sharci badeed ahaa (oo u ugu horreeyo law 37) ee somaliya horay ugu kaydsanaa xaafiisyada UN-ka ee arrimaha badaha ku saabsanaa u ka noqdo. Xasan arrintaa waa qabtay oo wuxuu beddelkoodii gaarsiiyey ha’adahii UN-ka qoraallo cusub oo u sheegay in ay u soo diyaariyeen culumo iskugu jirta somali iyo ajaanib u soo ijaarey oo kharash somaliyeed ku bixiyey. Arrintaa waxaa si cad u beeniyey Norwejaanka oo sheegay in ay ayagu dhammaan kharashka Xasan sheegay bixiyeen. Waxaa intaa raaca oo la wada ogsoon yahay in Norwejaanku horseed u yihiin inta badda somaliyeed duullaanka ku ah. Labada dhinac ee iska soo “horjeedaba” waa la shaqeeyaan norwejaanku
  2. Xasan waxaa kale oo loo diray in u arrinta badda geeyo maxkamada The Hague si loo barbar maro loogana maarmo barlamaan carqaladaynti iyo rabshado shacbi. Labadaa arrimoodba hadda waa meel mareen. Intaasi marka ay hormartay, waxaa loo baahannyahay in la isweydiiyo intee la ‘egtahay fursada somaliyi qabto in guuli uga soo hoyato maxkamada The Hague.

Haadaanba ka soo qaadno in maxkamaadasii noqoto mid dhexdhexaad ah (wallow ana haba yaraate saa qabin), waxaa isweydiintu tahay somaliya ma leeday wax rajo ah in ay ku guulaysato dacwada The Hague ay ka oogtey ama la yiri ka oog?

Si jawaab loogu helo su’aashan waxaa loo baahan in an daymoono awoodaha iskaga soo horjeensanaya The hague.

waxaa halkaa dhan ka soo jeedsanaya qareeno kenyaan ah oo waayo aragtinimo dheer leh, qareeno iyo xeel dheereyaal badeed ay soo ijaarteen. Gareenadaasi Kenya magaceeda ku hadlayaa waxay ku xoogaysan yihiin awoodaha aqooneed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Eni, Total iyo Norway ee an xadka lahayn.

Dhanka kale waxaa ka soo jeedsan koox Somaliyi soo dirsato(u aqri Xasan sheikh) oo badankeed yahay rag an waayoaragnimo sharciyo caalami ah lahayn, iska dhaaf kuwa gaar u ah badahee. Qareenadaa somaliyeed oo sida la qiyaasi karo ah dad badanki wixii ka dambeeyey 2003dii ka soo qalin jabiyey jaamadaha Sudan(third rate universities) waxaa lagu soo barxidoona 2-3 caddaan ah oo bulshada caalamku (sida filayo norway ) ugu deeqday Somalia oo ka xalan wax u danqasho dano somaliyeed ah. Gareenadaa somaliya u tagi doonaa meeshu ma aha kuwo ay dambeeyaan awoodo siyaasadeed ama kuwo dhaale oo looga haybaystaa.

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

buy cardura online without prescription, zithromax online.
Sida xog ogaal badani sheegayo guddiga un-ka ee hubaal maxkamadu uga talo qaadan doonto dhammaan arrimaha la xiriira badda dacwada la galiyey waxaa xubin ka ah Kenyan ololaynaya boobka badda somaliyeed; waxaa kale oo xubin ka ahaan jirey ilaa waqti dhaw saamayn iyo saaxiibana wali ku leh nin norwejan ah oo si daahsoon ugu shaqeeya isbaysiga boobka somaliyana la qorsheeya qaabka ay dacwadeeda u ogayso. Asaga yaa diyaariyey wax kasta oo somaliyi gudbisey.

Shirkadaha Kenya qandaraaska ka haysta waxaa ka mid ah Eni iyo Total.

Eni saamilaha ugu weyni waa dowladda talyaaniga, ministero dell’economia, 42%. Total france yaa leh waana shirkadii daraadeed france wax kasta oo mustaxiil ah uga samaysay afrikada fransiiska ku hadasha.

Waa kuwan awoodaha shacbiga Somaliyeed loo sheegayaa in ay Somalia The Hague uga hortagayso.

Somalia ma oranayso talyaaniga iyo fransiiska(siiba tayaaniga oo sheegta in u aduuunka nooga wakiil yahay) oo ah kuwa dhabta ah ee boobka ka dambeeya naga joojiya dhibaatada;

Somaliya iskuma taxallujinayso hubinta dhexdhexaadnimada khubararada iyo xaakimiinta dacwada galidoona.

Kama muuqato wax uruursi ah aqoonta sharciyeed iyo midda cilmi badeed ee somaliyi leedahay ee aduunka ku firirsan iyo ijaarasho dad kartidooda iyo madaxbannaniddoda la hubiyey. Arrintu waa meesha ha la tago oo ha la arko wixii ka dhaca.

Dhaqanka muuqdaa wuxuu ka marakacaya in madaxda somaliyeed go’aansatay in ay ka qaadato arrinta dowr fududeeye boobka (facilitator of the Robbery) sidii loo qoorsheeyey.

Marka la isku wada daro awoodaha iska soo horjeensanaya iyo waraaqaha horay loo gudbiyey waxaa si cad u muuqata in 99% Somalia baddedu dharaar cad dhaxal wareegi doonto haddaan inta goorigoor tahay ayna si kale xukuumadi , barlamaan ama shacbiga somaliyeed wax uga qaban.

Dacwada The Hague la geeyey runteedu waa: Xasanow noogee badda somaliyeed maxkamada The hague an ka qaadanee. Waxaan isbahaysi-booka u sheegeynaa in an shacbiga somaliyeed u aqoonsan doonin go’aan cadaaladeed mu’aamirada lagu doonayo in The Hague lagu soo xalaalaysto badda somaliyeed.

Ummadda somaliyeed xaaladda ay manta ku jirtaa ma aha mid ày si dhammaystiran oo madax bannaan ugu difaacan karto xuquuqdeeda cid kastaana waa ogtahay. Saa daraadeed go’aan kasta oo laga gaaraa baddeeda kama duwana dardaaran laga qortay qof xaalad miyir la’aanku (kooma) ku jira ama mid wax laga sixiixday qof xabbad dhafoorka looga hayo maxkamada The hague-na waxaa la gudboon in ayna dacwadaa waqtigaan galin ee ay joojiso ilaa somaliya ka helayso dowlad an magac u yaal kaliya ahayn. Maxkamada The Hague, ayado og waxa somaliya ku sugann tahay, in ay gashaa dacwada badda Somalia waxay wax u dhimaysaa kalsoonida shucuubta caalamka sedexaad oo dhan.

Dhanka kale aqoonyahanno somaliyeed waxay uga digayaan Dowladda talyaaniga in ay uga qayb qaadato(ayado maraysa Eni) bililiqada dalka somaliyeed

Cabas C. cabdullahi

 

You must be logged in to post a comment Login