Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Booliska Faransiiska oo baahiyay sawirada labada nin ee la tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen weerarkii argagixiso

acquire zoloft, acquire Zoloft.

Sawirka labada nin ee la tuhunsan yahay

Booliska Faransiiska ayaa soo bandhigay sawirada laba kamid ah saddex nin, oo looga shakisan yahay in ay fuliyeen weerarkii shalay lala beegsaday majalada sawir gacmeedka ee Charlie Hebdo.

Labada nin ayaa ah walaalo lagu kala magacaabo Said Kouachi iyo Cherif Kouachi.

Qofka saddexaad oo lagu sheegay wiil 18 jir ah, laguna magacaabo Hamyd Mourad, ayaa lagu soo warramayaa in uu booliska isu dhiibay, kaddib markii uu sawirkiisa ku arkay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa sheegay in Hamyd uusan weerarka fulin, xilliga uu dhacayanya uu ku sugnaa iskuulkiisa.

Booliska ayaa baaritaanno xooggan ka wada xaafadaha caasimada Paris iyo magaalada Reims.

Weerarkii shalay lala beegsaday majalada sawir gacmeedka Charlie Hebdo, ayna ku dhinteen 12 qof, ayaa ahaa kii ugu xumaa ee soo mara Faransiiska kontankii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa jirto cabsi ah in ay dhacaan weerarro aargoosi ah oo lala beegsano Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa shacabkiisa ugu baaqay in ay joogteeyaan midnimada.

Dhanka kale, kumannaan qof oo taageero u muujinaya shaqaalihii lagu laayay Charlie Hebdo, ayaa xalay oo dhan ku sugnaa fagaaraha ugu weyn Paris ee Place de la Republique.

Ururada jihaad doonka ah ayaa marar badan ugu baaqay taageerayaashooda in ay weerarraan Faransiiska, waxaana dowladda dalkaasi ay cabsi badan ka qabtaan tiro muwaadiniinteeda ah oo ururadaasi uga dagaallamaya Suuriya.

You must be logged in to post a comment Login