Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Booliska Soomaaliyeed oo Maanta Muqdisho Dhoolla-tus kusoo bandhigay

Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay Dhoolatus ay ku muujinayeen hawlaha ay u diyaarsan yihiin in booliska Soomaaliyeed ay u qabtaan shacabka,ciidanka dhoolatus samaynayey ayaa ahaa ciidan tiro ahaan gaarayey Afar boqol oo askari waxayna soo qaateen tababaro casri ah oo ku aaddan gurmadka goobaha ay Musiibooyinku ka dhacaan.

Dhooolaruska ayaa ahaa mid si weyn loosoo agaasimay,ciidanka ayaa soo bandhigay tababarkii ay soo qaateen,goobta uu dhoolatusku ka dhacayey oo ahayd Sayidka ayaa waxaa laga sameeyey qarax mala-awaal ah ,waxaana goobta lagu daadiyey dad loo ekeysiiyey dhimasho iyo dhaawac qaraxa ku waxyeelooobay,waxaana durbadiiba goobta soo gaaray ciidankan sida gaarka ah u tababaran.

Ciidanka ayaa markiiba isku gadaamay goobta laga sameeyey qaraxa iyagoona xiray wadooyinka soo gala nawaaxiga goobtaas,ciidamada ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dadkii loo ekeysiiyey iney qaraxa ku waxyeeloobeen,waxaana goobta soo gaaray gaadiid gaara oo ay ciidankani ku hawlgalayaan kuwaas oo iskugu jiray Dabdamisyo iyo gaadiidka adeegga deg degga ah ee Aabalaaska.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo xiiso badan leh taas oo ah ciidamada booliska Soomaaliyeed oo dhoolatus ku saabsan joojinta rabshadaha ka sameeyay Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login