Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Boqolaal katirsan Ciidamada Amisom oo gaaray gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in ciidamo katirsan kuwa Amisom ay gaareen maanta halkaas.
Boqolaal ciidamo Amisom ah ayaa gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud sida uu xaqiijiyay Sargaal katirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.
Ciidamadan gaaray magaalada Guriceel ayaa durba bilaabay in ay gudaha magaalada ka samaystaan fariisimo iyadoona ay saraakiisha hogaaminaysa ciidamadaas ay kulamo la leeyihiin madaxda Ahlu Sunna Waljamaaca.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadan gaaray Guriceel ay ka tageen magaalada Beledweyne ayna sii mareen dhanka degmada Matabaan.
Waxaa kale oo jira warar sheegaya in ciidamadan ay ku sii jeedaan dhanka magaalada Dhuuso-mareeb halkas oo la filayo inuu safar ku tago wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Dr Saacid Shirdoon.
Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa marar badan Amisom ka dalbatay in ciidamo Amisom ah la geeyo gobolkas Galgaduud ee bartamaha dalka dhaca.

You must be logged in to post a comment Login