Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabdi waal oo falal xun lagula kacay, Xaalad Xuna galay

Tadalis SX no rx, buying clomid online, order neurontin, order dapoxetine. zithromax without prescription. buy dapoxetine.

Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa la sheegayaa inay jir dileen Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, oo loo yaqaano Cabdi Waal.

Siyaasiga ayaa waxaa lagu xiray Xabsi ku yaalla Villa Somalia, kaasi oo la sheegay inay leeyihiin Ciidamada NISA, islamarkaana lagu xiro dadka danbiyada waaweyn loo heysto.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo ah Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay falal xun kula kaceen Cabdi waal.

Mursal Xeefow, wuxuu sheegay inay Ahlu Sunna ka xun tahay jirdilka loo gaystay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, waxa uuna tilmaamay in jugta qaar ee loo geystay uu la xanuunsan yahay Cabdi Waal, isaga oo jirdilka noocaasi ah ku sifeeyay mid sharci daro ku ah Siyaasiga.

”Aad ayaan uga xunahay dhibta lagu hayo Cabdi waal, waxaan cadeyneynaa in Jirdil xoogan loogu dhex geystay Xabsiga, Dowlada Somalia iyada ayaa qaadi doonta Mas’uuliyada dhaawaca iyo xanuunka ku yimaada Cabdi waal”

Mursal Xeefow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Jirdilka Cabdi Nuure Siyaad wuxuu cadeynayaa sumcad darrada haysata Dowladda. Dowladan maaha mid dalka iyo dadka meteli karta, waa mid sii kala fogeynaysa dadkii Somaliyeed.”

Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Dhexe Somalia, ayaa isna sheegay in Dowlada Somalia ay dooneyso in qaab jir dil ahaan ay u disho Cabdi waal, waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay maqleen xog muujineysa in Cabdi waal uu iminka ku dhex xanuunsan yahay Xabsiga jirdilka lagula kacay aawgii.

“Haddaan aanu nahay ehelada Cabdi Nuure Siyaad marnaba raali kama nihin in laga soo qabto meel ka baxsan dalka, haddii uu dalka kaga tagey, maxay u raadsanayaan oo dibadda ay uga daba taggayaan?” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Guure.

Docda kale, Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Cabdi waal, ayaa lagu wadaa in Dowlada Somalia ay kala hadlaan xariga Cabdi waal, inkastoo ay Dowladu tahay mid diidan.

You must be logged in to post a comment Login