Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabdi Weli: DF waxa ay la timid qalab looga hortago weerarada Al-Shabaab

Muqdisho (SomaliMedia Online) buy Silagra, acquire dapoxetine. – Ra’iisul wasaaraha Xukumada Federaalka Somalia C/Weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in Hay’adaha Amaanka ee dalka ay awoodooda sii kordheyso ayna heleen qalabyo cusub, oo ka caawin kara ka guuleysashada Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ay hayaan qalab fududeynaya dhageysiga sirta Al-Shabaab taasi oo ka caawin karta inay ka hortagaan ficillada argagixsada ee maleeshiyada Al-Shabaab ay qorsheeneyso.

“Qalabkan cusub waa mid casri ah oo ay hay’adaha sirdoonka ku dhageystaan taleefonada iyo wada sheekeysiga Al-Shabaab” ayuu yiri Cabdi Weli oo maanta booqday xarunta hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdi Weli waxa kale oo uu sheegay inay jiraan qalabyo kale oo casri ah oo ay la imaan karaan, balse ay sugayaan in baarlamanka ay ansixiyaan sharciga la dagaalanaka argagxisada.

SomaliMedia Online
Xafiiska Muqdisho
info@somalimedia.co.uk

You must be logged in to post a comment Login