Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabduqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) “TV-ga Universal Aniga ayaa iska leh” DACWAD

Waxaa na soo gaarey Nuqul ka mid ah Qoraal ka soo baxay Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo loo qaybiyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta islamarkaana uu ku Saxiixnaa Gudoomiyha Maxkamadaas Dr.Xasan Maxamed Cali (Wariiri) waxaana Qoraalkaas Baafin ah oo Tirsigiisa ahaa Ref-MRGB/151/2014BG soona baxay 4-5-2014 uu u Qornaa sidatan :-

Maxkamada Gobolka Banaadir waxay Baafineysaa Madaxa TV-ga Universal Axmed Abuukar Mubaarak in uu Maxkamadda Racfaanka Banaadir, waxaana lagu faryaa aad ku timaado Muddo 30 Cisho Gudahooda meel kasta oo aad ka joogto dalka Dibadiisa ama Gudahiisa

Hadaba waxaa lagu farayaa in aad Dhowrto u yeerista ay kuu yeertey Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir, kuna Timaadid Soddonkaas Cisho Gudahooda oo ka bilaabaneysa 5-5-2014 ilaa 6-6-2014

Dhinaca kale waxaa Saxaafadda la hadshey markii uu soo baxay Qoraalkaan Qareenka doodaya Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow in uu yahay Milkiilaha TV-ga Universal Qareenad .Xaawo Xaaji Sabriye oo soo dhaweysey Go’aanka Baafinta ee ay soo saartey Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir,sheegteyna in Dacwadaan ay Muddo Dheer soo socotey islamarkaana ay soo martey Heerar kala duwan.

Cabduqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) oo sheegey in uu yahay Milkiilaha TV-ga Universal islamarkaana ahaa Qofkii Dacwada u Gudbiyey Maxkamadda ayaa sheegey in uu Geed Dheer iyo Geed Gaabanba u Kori doono sidii uu ku soo Ceshan lahaa Hantidaas oo uu sheegey in uu isagu uu leeyahay waxaa uu intaa ku darey

“TV-ga Universal Aniga ayaa iska leh islamarkaana aniga ayaa Dhidibada u taagey, Ummadda Soomaaliyeedna waa ogtahay,waxaana mar kale ku Celinayaa oo aan Doonayaa in aan Hantidaas aan ku soo ceshado si Sharci oo aan ku kala baxno Maxkamadda
Cheap baclofen online, buy lioresal.

You must be logged in to post a comment Login