Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cali Dheere oo ku faanay Weeraradii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Afhayeenka ururka Al-Shabaab sh Cali Maxamuud Raagge ayaa waxa uu ka hadlay qaraxyadi xalay ka dhacay hotelka Jazeera oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Cali Dheere isagoo la hadlaayay idaacada ku hadasha Afka ururkooda ee Al-Shabaab ayuu sheegay in weerarkaas ay ku dileen 40 qof oo u badan saraakiisha ciidanka sida uu yiri.

Horjooge Cali Dheere ayaa Hotelka Jaziira ku tilmaamay in uu ka mid yahay meelaha lagu qorsheeyo wax uu ugu yeeray dhagarta muslimiinta.

RIIX HALKAN DHAGAYSO
Cali dheere ayaa ku faanay islamarkaana sheegay in ay bartilmaameesan doonaan goobaha lagu maleegaayo duulaanada ka dhanka ah ururkooda Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxyadi xalay ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 Ruux sida ay sheegeen hey’addaha ammaanka iyo kuwa caafimaadka.

Isku soo wada duuboo Hotelka Jazeera waxaa inta badan taga sarakiisha sar sare ee dowladda iyo dadka ajaaniinbta ee dalka yimaada, waana meesha labaad ee aad loo waardiyeeyo caasimada marka laga reebo Villa Somalia sida ay sheegeen dadka ammaanka qiimeeya.

You must be logged in to post a comment Login