Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cali dheere: “waa been in weeraradii Muqdisho ay fuliyeen rag ka yimid dibadda”

Iyadoo ayaa mahaani intabadan warbahinta Soomaalida ay warhaayeen in in weerarkii Maxkamadda gobolka Banaadir ragii fuliyay ay ka mid ahaayeen rag ajaanib ayaa Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab sheikh Cali Max’ud Raage (Cali Dheere) waxa uu beeniyey in dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee dhawaan weerarka ku qaaday xarunta ay ku jireen dhalinyaro Soomaali ah oo dhalashooyin kale haystay.
Sheikh Cali Dheere ayaa sheegay in dhalinyaradii fulisay weerarkii ka dhacay xarunta maxkamada gobolka Banaadir ay dhamaantood ahaayeen kuwa ku dhashay in muda ahna ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in arinta dagaalyahanadooda ay ugu suura gashay in ay weerar ku qaadaan xarunta maxkamada gobolka ay aheyd in weerarkaasi dadkii fuluiyey ay dhamaantood ahaayeen Soomaali in mudo ah dalka ku sugnaa, isagoona sheegay in qofna wadankiisa uusan shisheeye ka ilaalin Karin, waa siduu hadalka u dhigaye.
Weerarkii ka dhacay Xarunta Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa warbixino la helay waxa ay sheegeen dhalinyaradii fulisay ay ka yimaadeen dalal shisheeye.

You must be logged in to post a comment Login